Hiiraan Online
12/22/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Aadan Madoobe oo Safiiirka Shiinaha kala hadlay Dhamaystirka xarunta Baarlamaanka
Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale dardargelinta wada shaqeynta baarlamaanadda labada wadan.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa kala hadlay Safiirka Dowladda Shiinaha sidii dowladda Shiinaha ay Baarlamaanka Soomaaliya uga caawin laheyd dhameystirka dhismaha iyo qalabeynta xarunta Baarlamaanka.
Wang Yu safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya uu mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo, waxaana uu balan qaaday inay sii dardargelin doono xoojinta xiriirka labada dal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada ay Soomaaliya siiyaan, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku dhisan.
Dowladda Shiinaha waxa ay safka hore kaga jirtaa wadamada sida weyn u taagera Dowladda Soomaaliya hay'adeheedi kala duwan si bini'adamnimada iyo dowlad dhiska dalka.