Hiiraan Online
12/22/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 10, 2024
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka oo kawada hadlay sidii Booliska ula wareegi lahaayen goobihii laga saaray Al-shabaab
Talaado, December, 10, 2024 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa kawada hadlay dadaalada loogu jiro sidii dalka looga Saari lahaa Al shabaab iyo dib u dhiska ciidanka Boliiska, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.
Qoraalka kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in taliyaha ciidanka booliska Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Richard H. Riley oo yeeshay kulan miro dhal ah waxey si gaar ah uga wada hadleen dadaalada xoogan ee Dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii Al shabaab looga xoreeyn lahaa meelaha ay wali kaga harsan yihiin Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhiska Boliiska iyo qorshaha socda ee bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo sidii ciidan Boliis ah goobahaasi loogu wareejin lahaa.
Degaanada qaar ee lagala wareegay Al shabaab ayaa dhowr jeer waxaa dhacday inay dib u qabsadaan iyadoo ay jirto baahida loo qabo inay Booliska la wareegaan goobaha Kooxda Al shabaab laga xoreeyo.
Dowladda Maraykanku waxa ay ka mid tahay saaxiibada Soomaaliya ka taageera dhanka ciidamada iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.