4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 8 , 2015
Xukuumadda iyo Mucaaradka SL oo ka jawaabay Digniintii Dowladda Somalia


Khamiis, Janaayo 08, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si kull uga jawaabay dingiintii ay dowladda federaalka Somalia ay shalay u dirtay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo howl shidaal baaris iyo qodis ah ka wadda deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa ku tilmaamay go’aanka dowladda ee ku aaddan in shirkadda ARC ee Shiinaha ay joojiso howlaha ay ka waddo Somalia iyo inay dalka si deg-deg ah uga baxdo.

“Somaliland waxay la socotaa in dowladda Somalia ay toddobaadkan u gudbisay ashtako rasmi ah safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, taasoo ah in ay shirkadda Shiiinuhu joojiso howsha ay Somaliland ka wado, siiba buuraha Simoodi ee gobolka Awdal. Wasaaradooda Macdantana waxay si rasmi ah u soo saartay war ku saabsan arrintan oo aflagaaddo ku ah Somailland, innagu waxaan weydisanaynaa dowladda Soomaaliya inay joojiso wixii ka horimaan kara heshiiskii ay wada-galeen Somaliland iyo dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Ducaale.

Xuseen Cali ayaa hadlkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer oo hore isku dayday inay hor-istaagto dadaallada ay Somaliland ku doonayso inay khayraadkeeda kula soo baxdo, iyagoo qoraallo badan u diray shirkado intii ay dowladdii Siyaad Barre jirtay heshiisyo baaritaannada macdanta ah lala galay, iyagoo u sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin wixii heshiisyo ah ee ku saabsan baarista iyo soo saarista khayraadka.

“Waxaanu u sheegaynaa dowladda Soomaaliya, in khayraadka Somaliland ku jira lasoo saaro innaga ayaa mas’uul ka ah cid aan fasax uga doonaynana ma jirto,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay, isagoo sheegay in afar shirkad oo ka howlgala Somaliland ay ka mid yihiin kuwa ashtakooyinka ay u dirtay dowladda Somalia, balse howlahooda si caadi ah u wata.

Ugu dambeyn, wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa sheegay inay si sharci ah Somaliland kaga howlgalayso shirkadda ARC ee dalka Shiinaha ka diiwaan-gashan, howsha sahminta baarista macdanta ka wadday gobolka Awdal muddo laba sannadood ah; howsheedana ay sii wadayso oo aan la joojin doon.

Dhanka kale, Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa sheegay in howsha ay shirkadda Shiinuhu kawaddo gobolka Awdal ay ku howlgalayso heshiis rasmi ah oo ay la gashay xukuumadda Somaliland, wax dowladda Somalia arrintan ka quseeyana aysan jirin.

“Annagoo ku hadlayna afka Xisbiga Waddani, waxaanu halkan ku caddeyneynaa inay dhacdadani tahay mid dhaawacaysa Qarannimada iyo madax-bannaanida Somaliland. Gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxaa ka talisa xukuumadda Somaliland, waxana khayraadka ku jira iska leh dadka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xisbiga Waddani.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa shalay war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in shirkadda ARC ee Shiinaha laga leeyahay inay joojiso howlaha macdanta ay kaga baarayso deegaanka Simoodi ee gobolka Awdal.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKII AY SOO SAARTAY DF SOMALIA

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya