5/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 7 , 2015
Dowladda Somalia oo u digtay shirkad Macdan baaris ka wada gobolka Awdal


Arbaco, Janaayo 07, 2015 (HOL) — Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta waxay ugu digtay shirkadaha sida sharci-darrada ah baaritaanka macdanta uga wada gudaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay inay si dhowr ula socodaan dhaq-dhaqaaq ay shirkadda ARC oo Shiinaha laga leeyahay uga waddo Somalia, taasoo ay sheegeen inay waayahan dabme si sharci darra ah macdan baaris iyo qodis uga waddo buuraha Simoodi ee gobolka Awdal.

“Howlaha ARC ay sida sharci-darrada ah uga waddo Somalia waxay abuurtay xasillooni-darro soo wajahday deegaannadaas, kadkib markii ay boqolaal qof oo meleeshiyaad ah shaqaaleysay si ay u ilaalinaya shirkadda iyo shaqaalaha howsha u wada, isla markasna ay barakicisay dadkii iyo duunyadii ku noolaa deegaankaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaaradda.

Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay walwal ka muujnayso sidii horayba u dhacday, in shirkadaha sharci-darrada dalka ugu aasaya badda iyo barriga Somalia.

“Xasarado iyo colaado ka dhaca gobolka Awdal si looga fogaado, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa shirkadda ARC inay si deg-deg ah u joojiso macdan baarista sharci-darrada ah ee ay ka waddo Soomaaliya, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed iyo nabadgelyo-darrada ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa mid nabdoon,” ayay wasaaraddu tiri.

Waxaa kaloo lagu yiri qoraalka wasaaradda. “Dowladda Soomaaliya waxay ujeedinaysaa dawladda Shiinaha in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay aysan ka qayb-qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya.”

Dhanka kale, waxaan uga digaynaa dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci-darro ah oo heer-koodu ka hooseeyo hab-dhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Somalia, kuna qaataan si raqiis ah oo aan sharciga dalka iyo kuwa caalamiga ahba waafaqsanayn.

“Dowladda federaalka Soomaaliya mas’uul kama ahan wixii dhibaato ah ama khasaare ah ee soo gaaro shirkadaha sida sharci-darrada ah Somalia kusoo gala,” ayay mar kale tiri wasaaradda. Iyadoo shirkadda ARC ka dalbatay in ay si deg-deg ah u joojiso hawlaha ay wado, dalkana isaga baxdo.

Ugu dambeyn, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Somalia ayaa beenisay war-bixinno been ah oo ay qoreen qaar ka mid ah Shabakadaha Soomaalida oo sheegay in dowladdu ka codsatay dalka Shiinaha inay ka caawiso barista iyo qodidda shidaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, gobolka Awdal oo ku yaalla Waqooyiga Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada hoos-yimaada maamulka Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqay inay ka go'een Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya