Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in aaney u muuqan baahi ay Ciidamada Maxkamadaha u degaan Saldhigyo Boolis oo Muqdisho ku yaala

Cabirka Farta

Axad, January 04, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in aysan u muuqan baahi ay Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay ku degaan Saldhigyo Boolis oo  ku yaala Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Talisyada ay degeen Ciidamada Maxkamadaha oo kala ah Howl-Wadaag, Hodan iyo Huriwaa ay labo ka mid ah Dowladda u baneysay sabab la xiriirta sugidda ammaanka Suuqa Bakaaraha oo uu sheegay in uu yaallo keydka dhaqaale ee Dadka Soomaaliyeed.

Cabdi Qeybdiid waxaa uu intaas ku daray in laga wanaagsan yahay in iyadoo nabadgelyo laga shaqeynayo ay Ciidamada Maxkamadaha qabsadaan saldhigyo Boolis oo Muqdisho ku yaala, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas ka wada hadli doonaan Guddiyada Ammaanka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom, kadibna ay war cad soo saari doonaan arrintaas.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo isna ka hadlay saldhigyada ay la wareegeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in intii lagu mashquuli lahaa saldhigyo qabsasho ay taasi ka wanaagsan tahay in Ciidamada shisheeye lala dagaallamo oo dalka laga saaro.

Hadalka ay sii daayeen mas’uuliyiintan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dabayaaqadii todobaadkii hore ay Saldhigyada Booliska Howl-Wadaag, Hodan iyo Huriwaa ay la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo saraakiil u hadlay ay sheegeen in ay sugayaan ammaanka deegaannada ku xeeran saldhigyada ay la wareegeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia