Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo isku rasaaseeyay Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, January 04, 2009(HOL): Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay isku rasaaseeyeen Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.

Is-rasaaseynta dhexmartay labada ciidan ayaa waxay sababtay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 2 kale, kuwaasi oo isugu jiray ciidamadii is-rasaaseeyay iyo dad rayid ah oo ka dhawaa halka shaqaaqada ka dhacday.

Sababta ay ciidamadaas isu rasaaseeyeen ayaa la sheegay in ay la xiriirtay is-af-garan waa dhexmaray labada ciidan, kaasi oo ugu dambeyntii u xuub-siibtay in ay rasaas is-weydaarsadaan ciidamo ku sugnaa Isgoyska Jubba iyo Ciidamo kale oo gaari la socday oo doonayay in ay Isgoyskaas maraan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku rasaaseeyaan magaalada Muqdisho, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay ciidamo isu rasaaseeyeen.

Nidaam iyo iska war-qab la’aanta Taliska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay keento isku dhacyada ciidamada ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia