Axad, January 04, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo socday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan nawaaxiga Xeradii Asluubta ayaa waxaa lala beegsaday qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.
Qaraxa lala beegsaday ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu khasaare ka soo gaaray qaar ka mid ah Ciidamadii lala eegtay, waxayna dad arkayay markii uu qaraxa haleelayay ay sheegeen in dhowr askari oo Itoobiyaan ah ay qaraxaas waxyeello ka soo gaartay.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in markii qaraxa lala eeganayay ay ku sii jeedeen dhinaca Degmada Afgooye, halkaasi oo ay doonayeen in ay ka soo aadaan dhinaca Gobolka Bay oo ay uga sii tallaabi doonaan dhinaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ma jirin wax khasaare ah oo ay qaraxaas kadib u geysteen ciidamada Itoobiya gaadiidka iyo dadka isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, inkastoo in muddo ah ay wadadaas u xirneyd Ciidamada Itoobiyaanka.
Qaraxan lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo ka hor Ciidamo Itoobiyaan ah qarax lagula beegsaday Nawaaxiga Isgoyska KM4 ee degmada Hodan, iyadoo qaraxaas kadibna ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen dad 10 ruux ku dhow, kuwaasi oo dhamaantood rayid ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia