Ciidamada Itoobiya oo muujinaya dhaqdhaqaaqyo u muuqda in ay uga baxayaan Soomaaliya

Cabirka Farta

Khamiis, January 01, 2009(HOL): Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq u muuqda in ay uga baxayaan dalka Soomaaliya.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa Ciidamada iyo Saadkooda qaada ayaa saaka waxay u amba baxeen dhinaca Degmada Afgooye iyagoo ka baxay fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.

Goob-joogayaal ku sugan Deegaanka Lafoole oo u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay HOL u xaqiijiyeen in ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tegay dhinaca Muqdisho ay u gudbeen dhinaca Degmada Afgooye.

Mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore waxay sheegeen in ay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya ugu dambeyntii 5-ta bishan Janaayo 2009, iyagoo weliba caddeeyay in aaney waqtigaas ka dib dhici doonin.

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa Soomaaliya waxay soo galeen dabayaaqadii sanadkii 2006, xiligaas oo ay talada dalka hayeen Maxkamadihii Islaamka, tan iyo mudadaasna Ciidamada Itoobiyaanka waxay wajahayaan dagaallo uga imaanaya dhinaca xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia