Khamiis, January 01, 2009(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday Degmada Afgooye Wariyihii Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho uga soo warami jiray Degmadaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Mayow Xasan.
Wariyahaas ayaa la sheegay in ay madaxa ka haleeshay rasaas ay is-weydaarsanayeen Ciidamada Degmada iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday, kuwaasi oo ku dagaallamay xaafadaha Xaawo Taako iyo Dhagax-tuur ee Degmadaas.
Wariye Xasan Matoore oo ku sugan Degmada Afgooye ayaa sheegay in marxuumka la geeyay hoygii uu ka deganaa Degmada, isagoo xusay in saacadaha soo socdana lagu aasi doono Degmadaas.
Idaacadda Shabeelle ee uu Wariyayaas la shaqeynayay ayaa waxay joojisay barnaamijyadii kala duwanaa ee ay maalin kasta sii deyn jirtay, waxaana ka socda oo laga dhegeysanayaa Qur’aan.
Ma ahan Wariyihii ugu horeeyay oo ku geeriyooday dagaallada iyo falalka kale ee nabadgelyo la’aanta keeneen, waxaana jiray wariyayaal dhowr ah oo qaarkood si toos ah loo toogtay, halka kuwo kalena ay ku geeriyoodeen rasaas iyo qaraxyo aan loola dan lahayn sida Wariye C/qaadir Kaskey oo ku geeriyooday rasaas lagu furay gaari rakaab ah oo uu la socday iyo Xasan Kaafi Xareed oo isna ku geeriyooday Qarax lala beegsaday gaadiid ay la socdeen Shaqaale u shaqeynayay Hay’adda MSF-Holland, taasi oo gacanta ku heysay Isbitaalka Magaalada Kismaayo. Labadan wariye waxay u shaqeynayeen Idaacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia