Khamiis, January 01, 2009(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka war heyso xarig ay Ciidamo Itoobiyaan ah shalay u geysteen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa sheegay in xariggaas uu ka dambeeyay kadib markii uu Guddoomiyihii hore ka dhego-adeygay in uu soo wareejiyo hub iyo ciidan uu sameystay intii uu ahaa guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Muuse Nuur Amiin oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay kaligood xirteen Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna caddeeyay in ay xarigaas ka war qabaan.
Shalay ayay ahayd markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah ka kaxeysteen Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir guri ku yaala Degmada Hodan, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska KM4, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn halka ay Ciidamadaas la aadeen Guddoomiyihii hore.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia