Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa oo mar kale loo doortay inay u tartamaan Doorashooyinka Madaxtinimo ee Somaliland

Cabirka Farta


Khamiis, 05 February 2009 (HOL): Shirweynihii labaad ee Xisbiga talada dalka haya ee UDUB, ayaa shalay la soo gebogebeeyay ka dib markii lagu doortay Murashaxiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeennka ee Xisbiga uga qayb galaya tartanka Doorashooyinka Madaxtooyada ee la filayo in dalka ay ka dhacdo bisha saddexaad ee sanadkan iyo sidoo kale Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo ku-xigeenkiisa, jagadaas oo uu banneeyay Xoghayihii geeriyooday ee Xisbiga UDUB.

Ka dib markii Ergada loo qaybiyay Buug-yare 22 Bog ka kooban oo ahaa Xeerka guud ee Xisbiga UDUB, waxa Xoghayihii guud ee Shirku uu akhriyay Buug-yarahaas oo uu dhammaystiray akhrintiisa. Intaa ka dib waxa Mikirifoonka iyo hadalkii madasha la wareegay Shirguddoonkii Shirka oo ugu horrayn ku wargeliyay madashii Shirka iyo Ergooyinkiiba in loo codaynayo Xeerka guud ee la akhriyay. “Soo diyaar ma tihiin, waxa loo codaynayaa Mabaadii’da Xisbiga iyo Xeerka guud ee Xisbiga ee inta ogoli gacanta ha taagaan.” Sidaa waxa Cod hubsiimo ka muuqato ugu dhawaaqay Guddoomiyaha Shirguddoonka Rashiid X. Cabdilaahi Guuleed. Ka hor intii aanay Ergooyinkii wax jawaab ah ka bixinin dalabka Rashiid, waxa goob dhawr tallaabo u jirtay Miiska Shirguddoonka oo uu meel inyar ka sarraysa uu fadhiyay Madaxweyne Rayaale dhawaaq xooggan ka yidhi Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Ismaaciil Aadan Cismaan. “Guddoomiye, waar waa in wax layska waydiiyo ee in loo codeeyo uun maaha.” Ayuu yidhi Ismaaciil. Balse taas cidi uma joojin ee Shirguddoonku wuu iska watay cod-u-qaadistii. “Soo diyaar looma aha oo ma codayno?” ayuu waydiiyay Rashiid X. Cabdilaahi Ergooyinkii, kuwaas oo iyana codayn gacan-taag ah kaga jawaabay.


Waxa la gudo-galay cod-u-qaadistii, taas oo markii la tiriyay dadkii gacanta taagay uu Shirguddoonku dalbaday in ay gacanta taagaan cidda diidan ama ka aamustay. “Gacanta ha taagaan cidda diiddan ama ka aamustay.” Ayuu yidhi Rashiid X. Cabdilaahi. Balse inkasta oo uu jiray Ergey meel dambe oo aan aad loo arkayn gacanta ka taagay, markii dambena u kacay dhinaca Shirguddoonka si uu codkiisa u gudbiyo oo ay Ciidamadu hor-istaageen, haddana waxa uu Guddoomiyaha Guddida Shirguddoonku ku dhawaaqay natiijadii tirinta cod-bixiyayaasha.  “Sidaa waxa ku ansaxay Barnaamijkii guud ee Xisbiga iyo Xeerkii guud ee Xisbiga. Waxaan soo raacinayaa, maadaama aanay jirin cid diiday ama ka aamustay, tirada ku ansaxisay ee maanta joogtay waxay ahayd 701 Ergay.” Ayuu yidhi Rashiid Xaaji.

Intaa ka dib, guddoomiyaha Shirguddoonka wuxuu halkaa ka jeediyay qodob ka mid ah Xeerka guud ee Xisbiga, kaas oo u muuqday mid uu ugu araaranayay in maadaama la ansixiyay Xeerka guud ay taa macnaheedu tahay in rasmiyan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenka loo ansixiyay Murashaxiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenka, iyada oo aanay cidi u codaynin. “Waxa kale oo aan raacinnayaa, haddii aad dib u eegtaan Qodobka 11aad, faqraddiisa 8aad ee Xeerka guud ee Xisbiga, waxay qeexaysaa oo ay dhigaysaa, Shirweynuhu wuxuu doortaa Murashaxiinta Lammaanaha ah ee Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenka, haddiise ay Doorashadii hore ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenku ku guulaysteen waxa uu si toos ah uga qayb galayaan tartanka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenka ee Qaranka, maadaama uu Dastuurku ogol yahay in uu laba jeer oo qudha isu soo taago sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 88aad, faqraddiisa labaad haddii aanay iskood labadooduba ama midkood uga tanaasulin. Sidaa aawadeed, sida Xeerku qeexayo Murashaxiinta Doorashada soo socota ee 29-ka bisha March ee Xisbiga UDUB waxay noqonayaan Guddoomiyaha Xisbiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne-ku-xigeenka JSL, ahna Madaxweyne-xigeenka Xisbiga UDUB Sh. Axmed Yuusuf Yaasiin.” Ayuu yidhi Rashiid, halkaas oo ay cod gacan-taag ah ugu codeeyeen Ergooyinkii Murashaxnimada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga dhexdiisa.

Shirguddoonku wuxuu ka codsaday Murashaxiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne-xigeen in ay halkaa khudbad mahadnaq ah ka jeediyaan. “Marka u horraysa waxaan mahadnaq aad u ballaadhan u soo jeedinayaa Ergooyinka mar labaad noo cusboonaysiiyay Aniga iyo ku-xigeenkayga in aanu Shanta sanno ee soo socota hoggaamino. Waxaan ballanqaadayaa Ilaahay hortii inaan dedaal aan sii derder gelino, Xisbigana uga tagno hadduu Ilaahay yidhaahdo aayo uu mustaqbalka ku sii naaloodo.Aniga oo rejaynaya in Xisbigani uu noqdo mid Kun-facyaal badan Siyaasadda dalkan hoggaamiya, taas ayaanu ka shaqayn doonaa.” Hadalladaa waxa dalabkii Shirguddoonka kaga jawaabay Madaxweyne Rayaale, ahna Murashaxa Madaxweynaha UDUB ee Doorashooyinka soo socda.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa isna ku dhawaaqay in ay aqbaleen in ay noqdaan Murashaxiinta u tartamaya Jagooyinkaas..“Horta marka hore waxaanu idinka aqbalnay in aanu hawshii wadno, waana mahadnaq xagga Madaxweynaha ka yimi. Laakiin waxaan idiin sheegayaa Dagaalkii maanta ayuun buu kow yahay oo dariiq dheer baa la marayaa, halkaa in lagaga hadho maaha oo Doorashadii Xisbigeena ayuun baa dhacday ee tii Qaranku way hadhay. Muruq iyo Maalba in laysla hor taago Xisbiga aanu hoggaaminayno, si aanu uga midho dhalino in aynu ku guulaysano Doorashada guud, waanan hambalyaynayaa Bahweynta UDUB gudo iyo dibedba.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Sida uu goobta ka sheegay Shirguddoonku, Qodobka 11aad, farqaddiisa 9aad qaybtiisa J ee Xeerkan guud ee shalay Ergooyinka loo qaybiyay ayaa qoraysa in Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-xigeenku ay soo jeedinayaan Magacyada Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo Xoghaye-xigeenka. Sidaa darteed, waxa laga dalbaday Madaxweyne Rayaale in uu soo gudbiyo cidda uu u magacaabayo xilalkan. “Sida uu qorayo Qodobka uu sheegay (Shirguddoonka) soo-jeedinta ayaan leenahay. Waxaan codsanayaa, waxaan jecelahay nin Qurbo-joog ah oo qurbahana tegi kara, dalkana inala jooga in aan Xoghayaha guud u soo jeediyo (Inuu noqdo), waa Jaamac Yaasiin Faarax. Xoghaye-ku-xigeenkana Mudane Cismaan Garaad, labadaaba in layga aqbalo oo lay ansixiyo.”

Ka dib markii codayn loo qaaday Magacyada uu Madaxweyne Rayaale soo bandhigay ee Xoghayaha guud iyo ku-xigeenkiisa, Shirguddoonka oo laga sugayay in ay tiriyaan dadka u codeeyay ee gacanta taagay, ayaa ku dhawaqay mid ku liddi ah, waxaanay sheegeen in ay duuduub ku qaateen codayntaas ee aan la tirinayn.  “Walaalayaal inaga oo aan tirinba, halkan waynu ka aragnaa ee bal dejiya (Gacmaha taagan) cid diiddan aan eegee..miyay jirtaa cid diiddani..Waxay ila tahay markaad waxaas oo gacmo ah aragtid wax la tiriyaaba ma hadhin ee sidaas ayay ku ansaxeen  Xoghayaha guud iyo ku-xigeenkiisii.” Sidaa waxa si kalsooni leh u yidhi Rashiid X. Cabdilaahi.

Madaxweyne Rayaale ayaa halkaa ka jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa sida uu sheegay Guddoomiyaha Shirguddoonku, in marka laga reebo Xubnaha Golaha dhexe ee ay Waaxaha Gobollada ee Xisbigu ay soo dooranayaan, inta dhiman loo igmado isaga, waxaanu codsaday in loo igmado oo uu isagu soo magacaabo. “Waxa Xisbiga ku timi Geeridii Xoghayaheenii guud Allaha u naxariistee, taasi waxay keentay Xisbigeenu muddadii uu soo socday dad badan baa ka tegay oo Xisbiyo kale galay, qaar baa dhintay, wuxuu u baahan yahay in la buuxiyo Jagooyinka ka bannaan Golaha dhexe, maadaama Gobolladu sida Xeerka Qodobka 11, faqraddiisa 9aad xarafkiisa X uu sheegayo, Gobolladu Golayaashii dhexe ayay soo dooranayaan si aan u dhammaystirno oon isula beeganno, waxaan idinka codsanayaa in aad ii igmataan in aan soo buuxiyo Xubnaha ka dhiman Golaha dhexe, taas ayaan idin waydiisanayaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Waxaana Mikirifoonka la wareegay Shirguddoonka oo sheegay in Ergooyinku ay u igmadeen Madaxweynaha arrintaas. 



 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland