![]() |
| Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah |
Sarkaalkan oo ah Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in baarlamaanka Soomaalida ee la ballaariyay iyo doorashadii madaxweyne Shiikh Shariif ay ahayd mid xaq ah oo hab cusub u bilowday Soomaaliya.
“Hadda Waa’ cusub ayaa baryay, rajadana waa in baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dowladda cusub iyo dhamaan taageerayaasha ay awood u yeeshaan in ay ku laabtaan dalka Soomaaliya”ayuu ku yiri Ould Abdallah warqad uu u diray Soomaalida Qurba-joogta ah, kuwaasi oo uu la lahaa xiriir joogto ah tan iyo intii uu wada hadallada ka dhex bilaabay Dowladdii Federaalka iyo Isbaheysigii Dib u xoreynta oo hadda hal dowlad isku ah.
Danjire Ould Abdallah waxaa uu ugu baaqay dadka aan ka qeybgelin wada hadalladii Jibouti in ay qaataan fursad taariikhi ah, isla markaana ay ku soo biiraan dadaallada nabadeed ee socda, isagoo weliba caddeeyay in boos loo hayo.
Hadalka uu sii daayay Ould Abdallah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Bani Ki-Moon iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo dhaweeyeen doorashadii madaxweynenimada Soomaaliya, inkastoo ay walaac ka muujiyeen xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
