
Burcad Badeed Soomaali ah/Sawirka: REUTERS
Khamiis, February 05, 2009(HOL): Kooxihii Burcad Badeedka Soomaalida ahaa ee heystay Markabka Faina ee Hubka waday ayaa waxay sii daayeen markabkaas, waxaana lagu soo waramayaa in la siiyay lacag gaareysa 2.2 Milyan Euro.
Waxaa la arkayay Doomo dheereeya oo ay saaran yihiin qaar ka mid ah Kooxaha Burcad Badeedka, kuwaasi oo dhinaca xeebta u socday, waxayna burcad badeedka dhaqdhaqaaqaas bilaabeen kadib markii lacagta la siiyay ay markabka ku dul tirsadeen, waa sida ay baahisay Jariidada Telegraph.
“Lacagta madax furashada ah waxaa Burcad Badeedka loogu geeyay Markabka dushiisa, ilaa iyo hadana ma rabo milkilaha markabka in uu wax hadal ah bixiyo,”sidaas waxaa yiri Mikhail Voitenko oo ah Afhayeenka Milkilaha iska leh Markabka Faina.
Markabka MV Faina oo ay Kooxaha Burcad Badeedka qabsadeen bishii September ee sanadkii tegay ayaa wuxuu wadaa hub isugu jira 33 Taangi oo noocoodu yahay T72 iyo qalab mileteri oo kale, wuxuuna marka la af-duubanayay ku sii jeeday Dekedda Mombasa ee dalka Kenya.
Kooxaha Burcad Badeedka ah ee madax furashada looga sii daayay markabka Faina ayaa warkii ugu horeeyay ee ka soo baxay markii ay markabkaas qabsadeen wuxuu ahaa in la siiyo lacag madax furasho ah oo ka badan 20 Milyan oo doollar.
Intii la heystay Markabka waxaa dushiisa ku geeriyooday Wadihii Markabka, waxaana haatan saaran 20 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Ukraine, Latvia iyo Ruushka, kuwaasi oo caafimaadkooda uu hagaagsan yahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia