Khamiis, 26 February 2009 (HOL): Laba qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan sideed kalena way ku dhaawacmeen dagaal shalay ka dhacay deegaan u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki ee Gobollada Gabiley iyo Awdal ee Somaliland.
Dagaalkan oo dhexmaray laba maleeshiyo beelood oo wada degan deegaankaasi, waxa uu sida la sheegay bilaabmay Duhurnimadii shalay, iyada oo aan xogo sugan laga helin ilaa xalay fiidkii. Labadan dhinac ee dagaalku dhexmaray oo in muddo ahba muran u dhexeeyay, waxa khilaafkoodaa shalay gacan ka hadalka keenay salka ku hayaa muran dhul-beereed u badan oo u dhexeeya degmada Gabiley iyo Baki.
Inkastoo sida la sheegay deegaamadaa muranku ka oogan yahay qaybo ka mid ah hore Xukuumadda Somaliland Ciidan ugu dirtay, haddana dagaalkan shalay ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel ka durugsan goobta ciidanku fadhiyaan, halkaasoo sida wararku sheegeen u dhow meel lagu magacaabo Buqdhada.. “Xukuumadda waxaanu isku ogayn in la sameeyo guddi khilaafkaa (muranka dhulka) dhamaysa oo qolo walba xaqeeda si Caddaalad ah u kala siisa, arrintaana si degdeg ah loo galo. Markaa shan oday baa nalagaga saxeexay damaanadaa, xaga kalena shan oday baa laga saxeexay. Sidaa darteed, sidii aanu u filaynay in maanta (shalay) la diro guddigii Guurtida iyo Xukuumadda ee dhexdhexaadka ahayd, ayuun baa abaaro 10:30-kii weerar lagu soo qaaday 20 inan oo beerahoodii iska jooga meesha la yidhaahdo Gacanka-madow. Markaa laba qof baa ku dhintay, lix kalena way dhaawacmeen.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka degmada Gabiley.
Wuxuuna intaa ku daray in labada qof ee ku dhintay magacyadoodu kala yihiin; Sayid Maxamed Xusseen Cige iyo Maxamed Xassan Xaaji Raage, kuwaasoo xalay lagu aasay degmada Gabiley. Waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan lix kale oo dhinacooda kaga dhaawacmay dagaalkaas, wuxuuna tilmaamay in aanay haatan xaaladda deegaankaa ka taagani wanaagsanayn, isla markaana ay sugayaan talaabada Xukuumaddu qaado. Waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay si degdeg ah wax uga qabato dhacdadaas, isla markaana waxa uu shacbiga u soo jeediyay in la ilaaliyo Nabadgelyada oo aan dadka reernimo lagu waxyeelayn. Sidoo kale, waxa uu ka sokow Xukuumadda, goleyaasha qaranka gaar ahaan Golaha Guurtidu ku dhaliilay in aanay qaadanin doorkii ay ku lahaayeen arrintaas, kana gaabiyeen soo dhexgelida murankan.
Dhinaca kale, Suldaan Cabdiraxmaan Xassan oo ka mid ah Madaxdhaqameedka degmada Baki oo aanu isna wax ka waydiinay arrintan, ayaa sheegay in arrintani in muddo ahba soo taxnayd. “Saaka (shalay subax) iyagoo ciidanku quraacanaya ayay soo weerareen iyagu. Dagaalku markuu muddo socday ayay haddana mar kale soo rogaal-celiyeen……Xaaladdu imika waa caadi, waana lays horfadhiyaa oo ma ogi cid kala dhex gashay.” Sidaa ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, in Xukuumadda Somaliland ka gaabisay furdaaminta murankan oo muddo soo jiitamayay.
Wuxuuna sheegay in dhinacooda laba qof kaga dhaawacmeen dagaalkaas shalay. Hase yeeshee, labada Suldaanba waxay muujiyeen in dagaalku yimaado marka laga fursan waayo, isla markaana aanay ku faraxsanayn dhacdadaas, taasoo ay sheegeen in loo baahnaa in xilli hore wax laga qabto.
Xaaladda Deegaankan ayaa maanta degan ka dib markii ay Weftiyo ka socda Dawladda Somaliland iyo Ciidamada Somaliland ay gaadheen halkaa. Ciidankan oo uu horkacayay Jananka guud ee Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay qayb ka noqdeen xoojinta amniga deegaankaas.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland