Khamiis, February 26, 2009(HOL): Dr. Shiikh Axmed Daahir Aweys oo ka mid ah Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada in ay ka qeyb qaataan sidii loo xakameyn lahaa dadka Mas’uulka ka ah dagaalada ka sii socda Magaalada Muqdisho.
Shiikh Axmed Daahir Aweys oo xalay ka qeyb galay Barnaamijka Islaamka iyo Nolosha ee ka baxa Idaacadda HornAfrik ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu marka hore ka hadlay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in arrintaasi dabagal lagu sameeyo.
"Bal wixii shalay dhacay oo intaasi hanti ay ku baaba’day oo naf ay ku baaba’day oo carruur ay ku agoontoobeen oo dad ay ku gablameen bal waxaasi sababta iyo diinta iyo sharafta lagu xalaashaday oo danbigaas lagu galay bal maxay tahay.caqligeed ku dhacday sideese ku timid in hal maalin wax ka badan 30 qof oo rayid ah la dilo kuwa kalena la dhaawaco oo qof uu iska sheegto oo uu la gaaro dadkaas anaa laayay oo sababtaasi Mas’uul ka ahaa hadana wax xisaabtan iyo su’aal ah oo ka dambeeya aan la arag"ayuu Yiri DR. Axmed Daahir.
“Dalkan Culumo ayuu la leeyahay aqoonyahanaa jira, garyaqaanaa jira waxaa weeye hada kadib waxyaalaha dadkaasi dhimanaya in la soo arruuriyo ayaa la rabaa dadkii Mas’uulka ka ahaana waa in la daba kacaa ama ka toobad keena ama illaahay ka baqa oo qiyaas u soo xira ama diyadii dadka bixiya aniga waxaan qabaa dadkii shalay dagaalkaasi Billaabay waaba uu sheegay magaciisa isaga ha laga bilaabo intii kalana Bacsi ha lagu sameeyo ha la qoro dadkii la laayay ha la soo tiro kobo iyo hantidii baaba’day mushtamacu ha maxkamadeeyo culumada iyo dadka aqoonta leh” ayuu yiri Dr Shiikh Axmed Daahir Aways.
Intii uu Barnaamiku socday ayaa dadwayneha waxaa loo furay qadka taleefoonka waxaana ay shiikha waydiiyeen Su’aalo ay ka mid ahaayeen sida shacabku isaga qaban karo dadka dhibaatada u soo jiidaya.
"Waxaan qabaa falka oo dhan waxaa haboon in dadka ay carruurtooda qab qabtaan oo xiraan oo ay ka joojiyaan dagaalada maadama carruurta yar yar aysan qaadi karin Mas’uuliyada dagaal ee lagu fidnaynayo boqolaalka Muslimiinta ah.dadka xaafadaha ka ridaya Madaafiicda culumadu way daraasaynaysaa arrinkaas aniga waxaan qabaa in dadku iska celiyaan oo ay ehbiyaan hadii ay diidaana ay xoog isaga celiyaan marka dambe xaqna wuu u leyahay qofka islaamka, sidaas ragga dagaalada wada hada ha la iska ehbiyo xaafadaha ha laga waardiyaysto hilmaha ku jiraa nin walba cunugiisa ha qabto haduu qowl ku qaban karo haduu ficil ku qaban karo". ayuu yiri Shiikh Axmed Daahir Aways.
Dagaalada ka dhacay labadii Maalmood ee ka soo dhaafay Magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo ururka Xisbul Islaam ayaa midba kan kale waxa uu ku eedeeyay in dagaalka uu billaabay hase ahaatee waxaa inta badan qeybaha Bulshada ee gobolka Banadir ay sheegayaan in dagaalkaasi ay qaadeen Kooxaha taageersan Ururka Xisbul Islaam waxaana dagaalada ku dhintay in ka badan 60 ruux oo u badan carruur iyo haween iyadoo dhaawacyaddu ay gaarayaan ku dhawaad 200 oo qof.
Isha Warka: Idaacadda HornAfrik
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia