Khamiis, February 26, 2009(HOL): Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in aysan rajeyneynin in ay ciidamo u dirto Soomaaliya, si ay u xoojiyaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay bishii Agoosto 2008 in ay 850 Askari u dirayaan Soomaaliya, laakin diritaanka Ciidamadaas dib u dhigtay ilaa iyo waqti aan la cayimin. Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Mr. Ojo Maduekwe ayaa sheegay in sababta ay dib ugu dhigeen dirista Ciidamada ay la xiriirto jawiga colaadeed ee hadda ka jira Soomaaliya.
“Hadda uma deg-degeyno in aan Ciidamo u dirno Soomaaliya, waana ka fiirsaneynaa, maxaa yeelay waxaa ka sii dartay xaaladda Soomaaliya” ayuu yiri Ojo Maduekwe oo sheegay in ay go’aanka diritaanka ciidamada uu yahay mid ay horay u gaareen laakin ay fiirinayaan sida xaalku noqdo.
“Haddii aan dooneyno in aan nolosha wiilasheena iyo gabdhaheena yar yar aan khatar gelino, waa in aan si taxadar leh u eegno natiijada ka soo bixi doonta howlgalka aan Soomaaliya u tegeyno”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria Mr. Ojo Maduekwe oo sheegay in aysan ciidamadooda diri karin iyagoo aan helin taageero mileteri iyo mid farsamo oo ay u baahan yihiin.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamo nabad ilaalin ah oo Soomaaliya ka jooga ay gaarayaan 3,500 oo Askari oo ka kala socda Dalalka Uganda iyo Burundi, iyadoo ilaa iyo haatan uusan ku guuleysan in uu Soomaaliya geeyo 8,000 oo Askari oo uu horay Soomaaliya ugu ballanqaaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia