Ciidamo itoobiyaan ah oo ku noqday Soomaaliya

Cabirka Farta

Arboco, Feb 18, 2009 (HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan ayaa waxay maanta ku laabteen gudaha Soomaaliya oo ay ka baxeen bartamihii bishii Janaayo ee aan ka soo gudubnay, waxaana meelaha ay ku laabteen ka mid ah deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Warar aanu ka helnay Deegaanka Rabdhuurre ee Gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo wata 60 gaari oo isugu jira Taangiyo iyo kuwa Ciidamada qaada ay gaareen Deegaanka Tayeeglow ee Gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa markii ay gaareen Deegaanka Tayeeglow waxay halkaas ka qab-qabteen dad dhowr ah, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halkii ay Ciidamada Itoobiyaanka la aadeen.

Soo gelitaanka Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo deegaanno ka tirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ay gacan ku heyntooda si buuxda ula wareegeen Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Xisbul Islam oo labadaba si wey uga soo horjeeda Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Dowladda Itoobiya shaaca ka qaaday in ay Ciidamadeeda ka wada baxeen Soomaaliya, inkastoo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu sheegay in ay Ciidamadiisa Soomaaliya ku noqon karaan waqti kasta oo loo baahdo, iyadoo taasina ay muujineyso sida aysan Itoobiya weli uga dhamaanin arrimaha faragelinta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia