Jen. Galaal oo ka digay in Ciidamo Dowladeed laga dhigo Maleeshiyooyinkii dadka dhaca iyo dilka u geysan jiray

Cabirka Farta

Arbaco, February 18, 2009(HOL): Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka digay in Dowladda cusub ee Soomaaliya ay ciidamo ahaan u qaadato Maleeshiyooyinkii dadka dhaca iyo dilka u geysan jiray.

Jen. Galaal waxaa uu sheegay in Guddi loo xilsaaray Ammaanka Muqdisho uu ku baaqay in ay Xerooyinkoodii iyo Saldhigyadoodii ay ku soo noqdaan Ciidamadii TFG-da, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan ciidamadaas u qalmin in ay noqdaan Ciidamo dowladeed oo anshax iyo kala dambeyn leh.

“Haddii la doonayo in la helo Ciidamo Qaran oo leh nidaamkii Ciidamo lagu yaqaanay Dowladda cusub waxay qoran doontaa Ciidamadii hore oo yaqaano sida ammaanka loo sugo iyo waxa ay dowlad tahay”ayuu yiri Jen. Maxamed Nuur Galaal.

Jen. Galaal waxaa uu intaas ku daray in waxyaabihii fashiliyay Dowlado horay loogu soo dhisay Soomaaliya ay ahaayeen iyadoo aan Ciidamadii Qaranka ee tababarka qabay aaney Ciidamo ahaan u adeegsan.

Jen. Galaal waxaa uu sheegay in Ciidamadii u qornaa Dowladdii TFG-da ay ahaayeen kuwo saraakiishooda  la siiyay xilal aysan gaarin iyo Askar lagu qoray darajo aysan lahayn, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid hareer marsan nidaamka dowladeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia