Arbaco, 18 February 2009 (HOL)- Wefdi ka socda Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka oo Hargeysa ku sugnaa ilaa shalay, isla markaana kulamo kala gaar-gaar ah la yeeshay Madaxweyne Rayaale, Axsaabta Siyaasadda Somaliland iyo Komishanka Doorashooyinka, ayaa ballan-qaaday in ay bixinayaan Kharashka ku baxaya Doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland ee la filayo in ay dhacdo dabayaaqada bisha March ee sanadkan.
Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinku waxay sheegeen in ay dhinacooda diyaar ka tahay bixinta Kharashka ku baxaya Doorashada Madaxtooyada, balse waxay sheegeen in Xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in ay bixiso Kharashka dhinacooda ku baxay Doorashada oo dhan 25% kharashka guud ee Doorashooyinka.
Hase ahaatee, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo kulan la qaatay Xubnaha Deeq-bixiyayaasha ee Somaliland yimi ayaa sheegay in ay Xukuumad ahaan dhinacooda diyaar ka tahay bixinta Kharashkaas. Isla markaana waxay labada dhinac gebo-gebadii Kulankoodaa isla qaateen in Doorashadu ku dhacdo waqtiga ay isla gartaan Axsaabta Siyaasadda iyo Guddida Doorashooyinku.
Dhinaca kale, Weftigan Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ayaa kulamo la yeeshay Axsaabta Mucaaradka ah, inkasta oo ay Albaabadu u xidhnaayeen Kulamadaas, haddana siday sheegayaan Warar lagu kalsoonaan karo waxay labada dhinac ka wada hadleen arrimo khuseeya Doorashada soo socota iyo waqtiga ugu macquulsan ee la qaban karayo.
Hadalka ka soo yeedhay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee ku saabsan Dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka Somaliland, ayaa wuxuu ku soo beegmay waqti Wasiirka Maaliyaddu ku dhawaaqay in ay Diyaariyeen Miisaaniyaddii sanadkan 2009, isla markaana ay maalinta bari ah ee Khamiista horgeyn doonaan Golaha Wakiillada, si ay u ansixiyaan. Waxaanu sheegay in Miisaaniyaddan ay ku jirto Lacagtii ay Xukuumad ahaan ku bixin lahaayeen 25% Kharashka ay bixinayaan ee Doorashooyinka.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland