Golaha Dhaqanka Goballka Hiiraan oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo Nabad-galyada Goballka si hay'addaha Samafalku u helaan jawi ay ku shaqeyn karaan

Cabirka Farta

Axad, 15, Febaraayo, 2009 (HOL): Golaha Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan oo xiriir la soo sameeyay HOL ayaa waxaa ay sheegay in bulshada ku dhaqan Goballka iyo Maamulka Islaamiga ah ee hadda jira u jeedinayaan in laga wada shaqeeyo Nabad-galyada guud ee Goballka si markaas Hay'addaha Samafalku u helaan jawi ay ku shaqeeyaan.

Odayaasha oo ay HOL weydiisay sababta xiliga ku soo beegtay baaqa ay jeedinayaan ayaa waxaa ay ku macneeyeen in dhawaan kulan ay wada qaateen Odayaasha iyo waliba Saraakiil ka socta UN-ka uu ka soo baxay qoraal sida ay hadalka u dhigeen faraya Odayaasha dhaqanku in ay ku baaqaan Nabad-galyo suurta galin karta in dadka la gaarsiiyo gargaarka loo baahan yahay, waxaana ay intaas ku dareen Odayaashu in dhinacooda ay aqbaleen in ay ka shaqeeyaan arintaa iyada ah.

"Saraakiishu waxaa ay inoo sheegeen in Nabad-galyadu tahay mid hagaagsan, laakiin loo baahan yahay in la sameeyo wacyi galin dadka lagu barayo qiimaha Nabaddu leedahay, taasoo suurtagal ka dhigi karta in Bulshadu gaarto dhamaan kaalmada loo baahan yahay”  ayeey intaa ku dareen Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan oo dhinaca kale uga mahadceliyay Hay'addaha Samafalka dadaalkooda la xiriira Samafalka dadka dhibaateysan.

Baaqa ka soo yeeray Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan ayaa la oran karaa waa mid dhabaha u xaari kara wada shaqeyn dhaxmarta Hay'addaha UN-ka iyo waliba Bulshada ku dhaqan Goballka kuwaas oo intooda badan aan helin kaalmadii ay u baahnaayeen.

Inkastoo ay jiraan Hay'addo si rasmi ah uga shaqeeya Goballka ayaa waxaa xusid mudan in dhinaca kale ay jiraan Hay'addo intaas ka sii badan oo aan ilaa hadda wax Xarumo ah ku laheyn Goballka Hiiraan, waana tan keentay in Maalmihii ugu danbeeyay si is-daba joog ah Goballka u soo gaaraan Saraakiil Ajnabi ah oo u kuurgalaya xaalada dhinaca Nabad-galyada iyo waliba haddii ay suurtagal tahay in ay soo degi karaan Goballka Hay'addaha ka shaqeeya Arrimaha Bani'aadanimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia