Axad, February 15, 2009(HOL): Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Susan Rice ayaa ugu baaqday Dowladda Nigeria in ay de-dejiso dadaallada ay ciidamada nabad ilaalinta ah ugu direyso Soomaaliya.
Warkan oo ay sii deysay Wakaaladda Wararka Nigeria ee NAN ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay Susan Rice ay baaqan jeedisay kadib markii ay xafiiskiisa New York ku booqatay Wakiilka joogtada ah ee Nigeria u fadhiya Qaramada Midoobay Prof. Joy Ogwu.
“Waxaan rabnaa in aan ogaamno waxa gadaal u dhigaya ballanqaadkii ay Nigeria bixisay ee ahaa in ay Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah u direyso Soomaaliya”sidaas waxaa tiri Susan Rice oo la hadleysay dhiggeeda Prof. Joy Ogwu oo Nigeria u fadhiya Qaramada Midoobay.
Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay oo sii hadleysay waxaa ay intaas ku dartay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu horay uga dooday taageero uu ku bixinayo Ciidamada Amisom ee ka howlgelaya Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Hadalka ay sii deysay Susan Rice oo Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay isa soo tarayeen baaqy o ku saabsan in aan Ciidamo kale oo shisheeye ah loo soo dirin Soomaaliya, kuwa hataan ku suganna laga qaado Soomaaliya, hayeeshee waxaa muuqaneysa in Dowladaha waa weyn ee Caalamka aysan baaqyadaas dheg u dhigeynin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia