Dowladda Mareykanka oo soo dhoweysay magacaabista Ra’iisal wasaare Cumar Sharma’arke

Cabirka Farta

Axad, February 15, 2009(HOL): War saxafadeed laga soo saaray safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi  ayay dowladda Mareykanku ku soo dhoweysay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda federaalka ku meel gaarka ah loo magacaabay siyaasiga Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in watigan uu xilka qabtay ra’iisal wasaare Sharma’arke uu yahay mid  adag oo ay dhibaato ku jirto ummadda Soomaaliyeed, “waxanu garab taagannahay hoggaanka cusub ee madaxweyne Shariif oo aan ku bogaadineyno sida ay u dhameystirayaan dadaalkoodii nabad raadinta” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka dowladda Mareykanka.

“Waxaan soo dhoweynaynaa hoggaanka cusub ee Dowladda Midnimada Qaran ee u gogol xaaraya dowlad sal ballaaran, waana sii wadi doonnaa dadaallada taageerada ah si loo helo nabad iyo deganaansho ka islaaxda geyiga Soomaaliya, waxaana ugu baaqeynaa dhamaan Soomaalida in ay iska diidaan rabshadaha, xagjirnimada iyo argagixisada si ay uga faa’iideystaan fursaddan ay ku heli karaan mustaqbal wanaagsan dadka Soomaaliyeed oo idil” ayaa lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedka laga soo saaray safaaradda dowladda Mareykanka ee magaalada Nairobi.
 
Xuseen Qaasim Nuur
[email protected]
Nairobi-Kenya