Dowladda Federaalka oo Guddi KMG ah u magacawday Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Talaado, September 09, 2008(HOL): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta waxaa lagu magacaabay Guddi KMG ah oo uu yeelan doono Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo wareegtadaas saxaafadda u aqriyay ayaa wuxuu sheegay in Guddiga KMG ah ee loo dhisay maamulka Gobolka Banaadir oo 10 xubnood ka kooban uu xilka heyn doono muddo 15 maalmood gudahood ah, iyadoo mudadaasna uu ku soo diyaarin doono maamul ay dadka deegaanka soo doorteen uu Gobolka Banaadir yeesho.

 

Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu intaas ku daray in wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha xilkii ay hayeen looga qaaday Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cumar (Maxamed Dheere).

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu Guddiga KMG ah u magacaabay Gobolka Banaadir kadib markii sida uu yiri uu arkay baahida loo qabo in la sameeyo maamul la soo doortay oo ku yimid rabitaanka dadka ku nool Gobolka Banaadir

 

Xubnaha Guddiga KMG ah ee Gobolka Banaadir

 

Ibraahim Shiikh Muxyadiin                                            Guddoomiyaha Guddiga

C/qaadir Maxamuud Walaayo                                      Ku xigeen

Xasan Maxamed Cusmaan Xaaji                                  Xubin

Inj C/llaahi Cali Gadaafey                                             Xubin

Maxamed C/llaahi Xaamud                                           Xubin

Inj. Maxamed Jaamac Kulmiye                                     Xubin

Xuseen Caddow Cali                                                    Xubin

C/llaahi Cabdulle Wehliye                                             Xubin

Suufi Muudey Cali                                                        Xubin

Cali Macallin Nuur (Cali Yare)                                     Xubin

Saciid Jaamac Cali Qoorsheel                                      Xubin

Nuur Maxamed Xuseen Xubin

 

Xilka Guddiga cusub ayaa noqon doona xoojinta hab-sami u socodka howlaha Maamulka Gobolka Banaadir tan iyo inta laga dhisayo hoggaamin fulineed oo cusub, abaabulidda hoggaaminta iyo xulashada Golaha Wada-tashiga Deegaanka, Doorashada Maamulka cusub, dejinta shuruudaha ka mid noqoshada Golaha Wada-tashiga.

 

Xubnihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha lagu faray in ay xilkooda iyo dhamaan wixii hanti ah ee uu gobolka leeyahay ay ku wareejiyaan Guddiga cusub, iyadoo Hay’adaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga ahayn-na laga codsaday in ay wareegtada Madaxweynaha u hoggaansamaan, isla markaana ay la shaqeeyaan Guddiga cusub.

 

Haddaba Dadka isu soo sharaxaya Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa hor-taalla shuruudo ay ka mid yihiin:

 

In ay Muwaadiniin Soomaali ah yihiin

In ay yihiin kuwo xushmeynaya Axdiga KMG ah, iyo Madaxda Dalka

In ay yihiin kuwo taageersan Barnaamijka Dib u heshiisiinta ee ay Dowladda waddo

In aysan ku lug lahayd arrimo dagaal-ooganimo iyo Xag-jirnimo diimeed

In ay yihiin kuwo nadiif ka ah ku xadgudubka Xuquuqda Aadanaha, isla markaana aysan ku lug lahayn falal dembiyeedyo iyo kuwo cadaalad dararo

In ay yihiin kuwo shacbiga dhexdiisa ku leh xushmad iyo qadarin, maamulkoodana lagu kalsoonaan karo.

 

Guddiga ay maanta magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu qeyb ka yahay fulinta qodob ka mid ah  heshiis ay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ku soo gaareen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya kadib markii ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ay isku qabteen xil-ka-qaadis uu Ra’iisal Wasaaraha ku sameeyay Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia