Maxkamadda Berbera oo Xukun ku ridday Rag loo qab-qabtay fal Burcad-Badeednimo

Cabirka Farta

Talaado, September 09, 2008(HOL): Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa Xadhig 15 sanno ah ku xukuntay 8 Nin oo ku eedaysnaa inay abaabulayeen fal Budhcad-badeednimo oo la sheegay inay damacsanaayeen inay ka fuliyaan Xeebaha Somaliland, kuwaas oo afar ka mid ah uu Xukunku ku dhacay iyaga oo maqan. Halka ay Maxkamaddu ka sii daysay 2 Nin oo kale, ka dib markii sida la sheegay lagu waayay wax dembi ah.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil, afarta nin ee la xukumay ayay Maxkamadda horteeda kaga caddaatay inay wadeenn fal Budhcad-Badeednimo oo ay ka fuliyaan Xeebaha Somaliland, ka dib markii toddobaadkii hore lagu soo qabtay Hub ay ka mid yihiin Baasukayaal iyo noocyo kale iyo sidoo kale Laba Laash, kuwaas oo la sheegay inay yihiin Qalabkii ay u adeegsan lahaayeen fulinta hawl-galka.

Xukunka Raggan ayaa loo cuskaday Qoddobada 230-aad iyo 234-aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waa markii u horraysay ee ay Ciidamada Ilaainta Xeebaha Somaliland ay gacanta ku dhigaan Budhcad-Badeed, kuwaas oo ay Xeebaha Somaliland aan ka jirin.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland