Kooxo Burcad Badeed ah oo Lacag madax-furasho ah weydiistay Dowladda Masar

Cabirka Farta

Talaado, September 09, 2008(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah oo afduub u haysta Markab laga leeyahay dalka Masar ayaa dalbaday lacag Madax furasho oo aan ilaa iyo hadda la cayimin inta ay gaareyso.

Dawladda Wadanka Masar ayaa xaqiijisay dalabka ka soo yeeray kooxahaasi Burcad badeedka ah ee afduubka u haysta Markabkaasi laga leeyahay dalka Masar oo ay dushiisa saaran yihiin Muwaadiniin u dhashay Dalka Masar.

Lama oga in Dawladda Masar ay bixin doonto lacagta ay dalbadeeyeen kooxaha afduubka u haysta Markabkaaasi oo lagu Magacaabo  Al-Mansuur, kaasi oo ka mid ah dhawr Markab oo af-duub loogu haysto  Xeebaha Puntland.

25 ka mid ah shaqaalaha dul saaran markabkaasi ayaa la soo sheegayaa in ay bad qabaan , isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo loo gaystay tan iyo  markii ay gacanta ku soo dhigeenn kooxaha wax afduubta.

Markabkaan oo lagu Magacaabo  Mansuur ayaa ka mid ah 10 Markab  oo iminka af-duub loogu heysto Xeebta Degmada Ayl ee Maamulka Puntland kadib markii   kooxo Burcad badeed ah ay horaantii bishan ka soo af-duubteen Xeebaha Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Masar ayaa ku tilmaamay Xeebaha Puntland sida halaq mareen, isagoo arintaasina si gaar ah ugu eedeeyay kooxaha Burcad Badeed ah oo  si aad ah u soo badanayay xilayadii la soo dhaafay.

Dalabka ka soo yeeray kooxaha Burcad badeedka ah  ayaa waxaa uu imaanaya xili Xeebaha Somalia uu af-duubka caadi ka noqday,waxaana Xeebaha Somalia iminka af-duub loogu haysto in ka badan 11 Markab oo laga leeyahay Dalal Caalamka ka tirsan.

Dhanka kalena, Qaar ka mid ah Kalluumeysatada Degmada Ayl ayaa soo sheegaya in ay arkeen Maraakiib ay saaranyihiin Ciidamo  aad u fara badan oo ku labisan dharka Ciidamada. Maraakibtan ku soo wajahan Xeebaha Puntland ayaa  noqonaya kuwii ugu horeeyay ee soo aada dhanka biyaha Puntland, xili waqtiyadii u dambeysay ay si aad ah u soo badanayeen Kooxaha wax afduubta.

Lama garanayo in Dawladda Wadanka Malaysia ay bixin doonto lacag Madax furasho ah oo ay dalbadeen kooxaho af-duub u haysta labo Markab oo laga leeyahay dalkaasi  Malaysia.

Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ku sugan Degmada Ayl ayaa wali ku adkaysanaya in ay helaan lacagtii ay dalbadeen haddii kale ay dab qabadsiin doonaan Maraakiibta ay  iminka  af-duubka u haystaan.

Waxaa degmada Ayl afduub loogu haystaa 10 Markab oo ay ku jiraan labo Markab oo laga leeyahay dalka Malaysia, kuwaasi oo ay dushooda saaran yihiin shaqaale Malaysiyaan ah.

Inkastoo Maraakiibtani ay yihiin kuwo Mallitri ayaa haddana waxaa jirta Cabsi la soo daristay dadka ku dhaqan degmada Ayl ee Maamulka Puntland, taasi oo ku aadan weerar kaga yimaada dhanka Maraakiibtaasi.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Garowe , Somalia