Axad, September 07, 2008(HOL): Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee Gobollada Banaadir iyo Bay ee Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ka dhacay Weerarro lagu qaaday fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom ay ku kala leeyihiin Muqdisho iyo Baydhabo.
Dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ka dhacay saldhig ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Nawaaxiga Suuqa Xoolaha, halkaasi oo xalay abaara 12-kii habeennimo laga maqlayay rasaas yar yar iyo mid waa weyn oo ay isku ridayeen Ciidamadaas iyo Kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadkaas marka laga reebo in uu argagax geliyay dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo iyagu dhawaanahan ay la soo derseen falal nabadgelyo darro ah.
Dagaalka ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhacay xalay abaara 3:15 daqiiqo ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Amisom ee fadhigeedu yahay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho iyo kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday, wuxuuna dagaalkaas oo socday muddo 30 daqiiqo ah uu hurdada ka toosiyay dad badan oo hurday, inkastoo ay jireen kuwo saxuuranayay oo aan hurdeynin.
Ilaa shan ruux oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaalkii xalay Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Banaadir iyo Isbitaalka Madiina. Lama hayo ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo soo gaaray dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray .
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo ka hor uu sheegay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur in ay wadi dooaan dagaal hal-ku-dhiggiisu yahay Nabadgelyo ma jirto ilaa Islaam la helo, kaasi oo uu sheegay inuu socon doono ilaa bisha Soon-fur ee soo socota.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia