Axad, September 07, 2008(HOL): Dhawaan ayay aheyd markiii Degmadda Buula-burte ee Gobalka Hiiraan lagaga dhawaaqay Maxkamad Islaami taasoo noqoneysa tii ugu horeysay oo Gobalka laga sameeyo tan iyo wixii ka danbeeyay markii Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda oo is garabsanaya ay la wareegeen gacan ku heynta inta badan Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.
Maxkamadan oo dhismaheeda uu ku dhawaaqay Wakiilka Midowgga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Max'ed Macow ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu ka taagan yahay muran la xiriira qaabka loo soo xulay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha, iyo waliba waxa xiligan ku soo beegay dhismaheeda.
Qaar ka mid ah Culima'udiinka dhaliilsan Maxkamadda looga dhawaaqay Degmada Buula-burte ayaa sheegaya in dhismaha Maxkamadda tahay mid ka tarujumeysa saameynta uu ku yeeshay Xubnaha Midowgga Maxkamadaha uga Wakiilka ah Gobollada Hiiraan khilaafka sare ee u dhaxeeya Mas'uuliyiinta Isbaheysigga Dib u xoreynta dalka, taasoo ayay sheegeen waqtigan ah mid aan loo baaheyn.
Laakiin Shiikh C/raxmaan Max'ed Macow oo ka hadlay sababta keentay dhismaha Maxkamadda ayaa sheegay in kaliya u jeedadu tahay in wax lagu maamulo shareecada Islaamiga dadkuna u helo xukun ku saleysan Diinta Islaamka, inkastoo la oran karo arimuhu kama marna kuwo Siyaasadeed.
Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ee ku sugan Degmada Buula-burte ayaa u muuqda kuwo kala aaminsan fikradaha is-khilaafsan ee u dhaxeeya Mas'uuliyiinta Isbaheysigga ee kala jooga Dalalka Jibouti iyo Eritrea, waana tan keentay in markiiba muran uu ka dhasho qaabka dhismaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmadda Buula-burte.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Muran ka dhashay Maxkamad Islaami ah oo dhawaan looga dhawaaqay Degmada Buula-burte
Cabirka Farta
More News
- 14 Burcad Badeed Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay
- Dagaallo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo
- Hadal ka soo yeeray Qaramada Midoobay oo lagu tilmaamay mid shaki gelinaya Heshiiskii Jibouti
- Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka iyo Askari Itoobiyaan ah oo isu dhiibay Maxkamadaha Islaamka
- Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Norway oo Deeq Lacageed gaarsiiyay Qoysas ku dhibaateysan Beledweyne