Axad, September 07, 2008(HOL): Hadal dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ahaa in UN-ka uu ka fiirsanayo in uu Ciidamo u diro Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamay mid shaki gelinaya meel-marinta heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Xoghayaha Dib u heshiisiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Axmed C/llaahi Fanax oo u waramayay Wargeyska Xog-ogaal ee ka soo baxa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ahaa mid shaki gelinaya heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti, wuxuuna sheegay in hadalkaas uu ula muuqdo mid ay Qaramada Midoobay uga gol leedahay in ay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ku sii jiraan.
Shiikh Fanax mar wax laga weydiiyay horumarka uu sameeyay Heshiiskii Jibouti waxaa uu sheegay in 19-ka bishan ay Nairobi ku kulmi doonaan Guddiyadii Siyaasadda iyo Amniga ee labada dhinac, kuwaasi oo isla meel dhigi doona sida ay u wajahayaan howlaha loo xil-saaray.
Dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayuu sheegay Shiikh Axmed C/llaahi Fanax inay diyaar u yihiin ka miro-dhalinta heshiiskii Jibouti, wuxuuna sheegay in ay daneynayaan in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya ka taagan.
Hadalka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ah inuu ka fiirsanayo Ciidamo uu u diro Soomaaliya ayaa in laga shakiyo waxaa keeneysa iyadoo qodob ku jira Heshiiskii Jibouti uu dhigayo in ay Ciidamada Itoobiyaanka Soomaaliya ka baxayaan kadib marka la helo Ciidamo ka socda UN-ka oo ku filan sugidda Ammaanka.
Ugu dambeyntii, Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan sida ay u arkeyso hadalkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia