Sabti, September 06, 2008(HOL): Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa loo sameeyay maamul Islaami ah, kaasi oo dadka ku dhaqi doona Shareecada Islaamka, iyadoo maamulkaasina la sheegay in uu yahay mid ay ka wada tashadeen saraakiisha Xoogaggii gacan ku heynta magaalada la wareegay iyo dadka deegaanka.
Shiikh Xasan Yacquub oo ah Afhayeenka Maamulka loo sameeyay Magaalada Kismaayo ayaa Laanata Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu u sheegay in maamulka loo sameeyay Magaalada Kismaayo uu leeyahay Guddoomiye, ku xigeen iyo Afar Xafiis oo kala qaabilsan Garsoorka, Bulshada, Dacwada iyo Dhaqaalaha, kuwaasi oo leh guddoomiye iyo ku xigeenno.
Qaab dhismeedka Maamulka Magaalada Kismaayo
Shiikh Abuukar Al-Zeylici Guddoomiye
C/qani Maxamed Yuusuf Guddoomiye ku xigeen
C/raxmaan Cali Axmed Xafiiska Amniga
Maxamed Sahal Iidle Ku xigeenka Xafiiska Amniga
C/weli Aadan Dheriyow Xafiiska Maaliyadda
Ibraahim Axmed Cusmaan Ku xigeenka Xafiiska Maaliyadda
Khaalid Maxamed Aadan Xafiiska Dacwada
C/raxmaan Axmed Aadan Ku xigeenka Xafiiska Dacwada
Shiikh Xasan Yacquub Xafiiska Warfaafinta
C/fataax Ibraahim Cali Ku xigeenka Xafiiska Warfaafinta
Shiikh Xasan Yacquub oo maamulka loo dhisay magaalada Kismaayo Afhayeen u ah ayaa wuxuu sheegay in maamulkaas uu yahay mid dadka ku dhaqi doona Shareecada Islaamka, isagoo xusay in Shareecada Islaamka ay tahay waxa kaliya ee ay dadka Muslimiinta ah Cadaalad ku heli karaan.
Magaalada Kismaayo ee maamulka loo sameeyay ayaa waxaa horay uga talinayay maamul u sameysan qaab beeleed, kaasi oo ay gacan ku heynta Kismaayo kala wareegeen Xoogag Islaamiyiin ah, kuwaasi oo dagaal la galay maleeshiyo beeleedyo horay ugu sugnaa Magaaladaas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, maamulka loo sameeyay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo beeshii lagala wareegay magaaladaas ay dadaal ugu jirto sidii dib ugula wareegi lahayd gacan ku heynta Kismaayo, halka mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalkana ay sheegeen in ay ka go’an tahay in ay Magaalada Kismaayo la wareegto Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia