Meydadka Dad Rayid ah oo laga helay Deegaannadii ay Shalay Dagaallada ka dhaceen ee Degmada Berdaale

Cabirka Farta

Sabti, September 06, 2008(HOL): Meydadka ku dhawaad 10 Ruux oo rayid ah ayaa laga helay Deegaannadii ay shalay dagaallada ka dhaceen ee Degmada Berdaale ee Gobolka Bay, iyadoo dadkaasina la sheegay in ay dileen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Dadkani Meydkooda la helay ayaa la sheegay inay ahaayeen Dad Reer Miyigi ah oo iyagoo howl maalmeedkooda wata ay dileen Ciidamada Itoobiyaanka, waxaana meydkooda lagu aasay Degmada Berdaale.

Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay dadkaas dileen kadib markii sida uu hadalka u yiri ay dharbaaxo kala kulmeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan  ahayn markii ugu horeysay oo ay falkaas ku kacaan.

Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxaa uu geystay khasaare soo kala gaaray dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray oo kala ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday dhinaca Gobolka Gedo iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

Shiikh Cali Shariif Aadan oo ka mid ah Maxkamadaha Islaamka ayaa isagoo ku sugan Degmada Berdaale waxaa uu uga waramay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho khasaarihii dagaalkaas ka dhashay wuxuuna sheegay in dagaalkii shalay ay Ciidamada Itoobiyaanka uga dileen Afartameeyo Askari, labo gaarina ay ka gubeen, halka uu xusay dhinacooda in ay dagaalkaas uga geeriyoodeen shan dagaalyahan.

Ugu dambeyntiina, Dhawaan ayay ahayd markii uu duleedka Degmada Berdaale ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo Itoobiya lagu soo tababaray iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia