Sabti, September 06, 2008(HOL): Qarax aan ilaa iyo haatan la caddeynin wixii uu ka dhashay ayaa wuxuu maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Faragx iyo Hotelka Kaah ee Degmada Yaaqshiid.
Qaraxaas oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu sababay geerida wiil arday ah oo dhiganayay Dugsiga Al-Fajri, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay seddex ruux oo kale oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan wixii uu ahaa qaraxaas, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in qaraxaas uu ahaa miino wadada lagu aasay, halka warar kalena ay sheegayaan in waxa qarxay aysan meesha ku aasneyd hayeeshee ay ahaayeen wax meesha ku soo dhacay.
Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Dugsiga Al-Fajri ayaa si weyn uga xumaaday geerida ku timid Ardayga qaraxa ku geeriyooday, waxayna tacsi u direen qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday.
Wuxuu ahaa qaraxii labaad oo waxyeello geystay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax iyo Hotelka Kaah, wuxuuna qarax midkan ka horeeyay oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ka dhashay qarax aad u weyn oo sababay dhimashada dad 10 ruux ka badan iyo dhaawac isna intaas ka sii badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia