Magaalada Muqdisho oo uu ka da'ay Roob Saacado badan socday

Cabirka Farta

Khamiis, September 04, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo duleedyadeeda ayaa xalay iyo maanta  waxaa ka da’ayay Roob lagu qabowsaday, iyadoo weliba ay dadka ku jiraan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Roobkan oo ay Dadku si weyn ugu farxeen ayaa wuxuuna biyo dhigay Waddooyin badan oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo haatan aaney dadka iyo Gaadiidkaba isticmaali karin, sabab la xiriirta biyaha oo aad u badan darteed.

Marka laga soo tago in Roobkan ay Dadka Muqdisho ku qabowsadeen waxaa uu dhinaca kale saameyn ku yeeshay Dadkii Muqdisho ka barakacay oo guryo cooshado ka sameysan kula nool duleedyada magaalada Muqdisho, waxayna qaar ka mid ah Dadkaasi oo uu ku dushooda ku hooray roobkii xalay ay ka codsanayaan cid kasta oo wax u geli karta in ay gargaar la soo gaaraan, si gaar ahna waxay u codsanayaan Baco ay saartaan Aqallo ay sameysteen, kuwaasi oo aan roobka celin karin, sidoo kalena waxay codsanayaan Raashin ay quutaan.

Duleedyada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Dayniile iyo Gubadley ayaa waxaa u barakacay Dad aad u badan oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna inta badan dadkaasi yihiin kuwo ay nolosha ku adag tahay oo markii ay Muqdisho joogeen ku noolaa waxyaabo ay soo shaqeystaan maalintaas.

Hay’adaha Samafalka, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax heysata ayaa waxaa la gudboon in ay gurmad deg deg ah la gaaraan Dadka u barakacay Duleedyada Muqdisho oo iyagoo baahi qabay uu hadana dushooda ku hoorayo Roobka.

Dhanka kalena, Magaalooyinka Marka, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo oo aan xiriirro la sameynay ayaa iyagana waxaa ka da’ayay xalay iyo maanta roobab aa loogu qabowsaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia