Khamiis, September 04, 2008(HOL): Waxaa lagu guuleysatay in la xaliyo khilaaf soo kala dhexgalay Saraakiil Midowga Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo uu khilaafkoodu gaaray in ay is-tac-shiiradeeyaan ciidamo ka wada tirsanaa Maxkamadaha.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa khilaafkaas ku soo baxay, waxayna ugu dambeyntii ku guuleysteen in ay xiisadda qaboojiyaan oo markaasina ay heshiis dhex dhigaan Saraakiishii is-khilaafay.
Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo magaalada Jowhar u tegay sidii uu khilaafkaas u xalin lahaa ayaa wuxuu sheegay in wada hadal kadib ay xal u heleen khilaafkii soo kala dhexgalay Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Shiikh C/qaadir waxaa uu sheegay in qodobada lagu xaliyay khilaafkaas uu ku jiro mid ku saabsan in maamulka haatan ka taliya Magaalada Jowhar ee Maxkamadaha Islaamka hoos-taga uu dhameysto muddo labo bilood ah oo uga harsan waqti loo cayimay in uu gobolka maamulo, kadibna waxaa uu sheegay in maamul loo sameyn doono Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Khilaafka soo kala dhexgalay Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu khilaafkooda sababay in ay gudaha Jowhar isku rasaaseeyeen Ciidamo ay kala wateen, inkastoo isla markiiba xaaladda la qaboojiyay.
Dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii soo kala dhexgalay Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxayna sheegeen in ay cabsi weyn ka qabeen inay Ciidamada labada dhinac ay ku dagaallamaan dushooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia