Khamiis, September 04, 2008(HOL): Dooni Nooca Tamashlaynta ah oo laga leeyahay Dalka France ayaa kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ay la soo aadeen Xeebaha degmada Ayl ee Maamulka DGLP kadib markii ay ka soo afduubteen xeebaha Gacanka Cadmeed ee ku teedsan Biyo Badeedka Puntland.
Doonidaan ayaa la soo sheegayaa in dusheeda ay saaranyihiin Muwaadiniin u dhashay dalka France, kuwaasi oo xeebaha Gacanka Cadmeed markii hore ku soo galay si dalxiis ahaan ah.
Dadka Degmada Ayl ee Maamulka Puntland ayaa soo sheegaya in doontaasi la soo galiyay Degmada Ayl, xilli shalay galinki danbe ah, iyadoo ay horkacayaan kooxo Burcad Badeed ah oo aad u hubeysan.
Lama garanayo Tallaabada ay France la tiigsan doonto kooxaha Burcad Badeedka ah ee gacanta ku dhigay doonidaasi, iyadoo bilo ka hor ay France duqeyn u gaystay degmada Garacad oo xiligaasi af-duub loogu haystay Markab laga lahaa dalka France.
Afduubka doonidaan ayaa waxa ay ku soo begmaysaa maalin uun kadib markii Maamulka Puntland oo sheegay in aysan jiri doonin wax madax furasho ah oo la siin doono kooxaha Burcad badeedka ah ee af-duubka ka gaysta Xeebaha Gacanka Cadmeed.
Doonidaan la keenay degmada Ayl ayaa ayaa waxay 9 ku noqoneysaa Maraakiib horay afduub loogu haystay degmadaasi oo qaarkood laga kala leeyahay wadamada Malaysia, Iran Iyo Japan.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Dalka France ayaa lagu sheegay in doonidaasi la afduubtay xili ay maraysay xeebaha Gacanka Cadmeed, isla markaana ay dusheeda saarnayeen labo Muwaadin oo u dhashay Dalka France.
Wasaaradda arrimaha Gudaha Dalka France waxay kaloo cambaarayn u jeedisay kooxaha Burcad Badeedka ah ee af-duubayada ka gaysanaya Xeebaha Gacan Cadmeed.
Dhinaca kale af-duubkaan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ka gaystaan Xeebaha Gacanka Cadmeed, xili ay Dawladda Malaysia sheegtay in ay labo Markab u soo diri doonto Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ilaaliya Maraakiibta shixnadaha ah ee ku soo wajahan xeebaha Somalia.
Faysal Maxamed XAsan (Boston)
[email protected]
Bosaso, Somalia