Isniin, September 29, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay ku dileen Magaalada Muqdisho mas’uul ka tirsanaa Waaxda Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Muqdisho, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/casiis Shiikh Bashiir.
Dad goob-joogayaal ah ayaa waxay sheegeen in ay marxuumka toogteen kooxo hubeysan oo dhowr meelood oo jirkiisa ah xabad kaga dhuftay, kuwaasi oo baxsaday markii ay dilka geysteen kadib.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay cambaareeyeen dilka marxuumka loo geystay, waxayna kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ku tilmaameen kuwo arxan laawayaal ah oo dadka si macni la’aan ah isaga dila.
Ma ahan mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay dilaan kooxo hubeysan, waxaana jiray mas’uuliyiin badan oo horay loo dilay, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay Guddoomiyihii Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muudey oo xalay ay kooxo hubeysan ku dileen gurigiisa oo ku yaala Tuulada Buulalow ee Degmada Afgooye.
Dhanka kalena, Xoghayihii Maamulka Degmada Xamar-weyne Maxamed Nuur Diini ayaa wuxuu maanta iska casilay xilkii uu u hayay Degmada Xamar-weyne, wuxuuna is-casilaadiisa ku sababeeyay in uu u dul-qaadan waayay dhibaato ay Degmada u geystaan rag ku labisan dharka Ciidamada Dowladda Federaalka.
“Isuma casilin sida ay dadka qaarkiis sheegaan cabsi iyo culeysyo soo food-saaray, aniga ayaa go’aansaday in aan xilkaas iska casilo waayo waxaan u dul-qaadan waayay dhibaatada shacabka lagu hayo”ayuu yiri Maxamed Nuur Diini oo sheegay in qofka marka uu mas’uul yahay looga baahan yahay in uu xilkasnimo muujiyo.
Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa Dadka ku dhaqan Degmada Xamar-weyne waxay ka cabanayeen dhac ay u geystaan rag ku labisan ciidamada dowladda, kuwaasi oo aaney jirin ilaa iyo haatan cid wax ka qabaneysa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia