Isniin, September 29, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Dhaqaatiir ka howlgasha Isbitaallada Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu saameyn ku yeeshay Dad dhaawacyo ka soo gaareen dagaallo Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad wax looga qaban waayay dalka gudahiisa.
Dr. Cabdi Maxamed Cilmi (Dr. Xangul) oo ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ayaa sheegay dagaallo dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ay dhaawacyo culus ka soo gaareen dad rayid ah oo aad u badan, kuwaasi oo 18 ka mid ah xaaladdooda dalka wax looga qaban waayay.
“18-kaas ruux shan ka mid ah waa ay geeriyoodeen sababtoo ah ma helin in si deg deg ah dibadda loogu qaado, inta soo hartayna Isbitaalka ayay jiifaan iyagoo dhaawacyadooda aanan dalka gudahiisa wax looga qaban karin”ayuu yiri Dr. Xangul.
Dr. Cabdi Maxamed Cilmi (Dr. Xangul) waxaa uu sheegay in intii uu furnaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay dadka dhaawacyada halista soo gaaraan fursad u heli jireen in dibadda loo qaado, waxaana lagu soo daweyn jiray dalalka Yemen, Imaaraadka Carabta iyo Kenya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo kala ah Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Shiikh Cumar Iimaan Abuu Bakar, Shiikh Yuusuf Indha-cadde, Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa waxay ku baaqeen in la furo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyagoo sheegay in ku daneysiga Dowladda Federaalka iyo Ciidamada shisheeye ee taageeraya ay ka weyn tahay baahida uu shacabka u qabo Garoonka Diyaaradaha.
16-kii bishan ayay ahayd markii Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu shaaciyay in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo bayaankaas lagu xusay in aaney shirkadaha diyaaradaha Isticmaali karin Garoonka. (Halkan ka aqriso Bayaanka).
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia