Isniin, September 29, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac iyo Xoogag la baxay Dugsiga Raaskambooni oo ka soo horjeeday.
Dagaalka oo qarxay 2:30 habeennimo, isla markaana socday muddo saacad ku dhow ayaa wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ayaa la soo sheegayaa in uu ka yaraa kuwii ka dhashay dagaallo horay uga dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana inta la xaqiijiyay uu geystay dagaalkii xalay dhimashada labo ruux oo rayid ah iyo dhaawac 10 ruux ka badan.
Dagaalkii xalay waxaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Xoogagga Dugsiga Raaskambooni, kuwaasi oo Afhayeenkooda Shiikh Maxamed Muxumed Dulyaddeyn uu sheegay in ay weerareen fariisimo ay Wadada Makka Al-Mukarrama ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom, wuxuuna sheegay in ciidamadii halkaas ku sugnaa ay dhibaato u geysteen , halka uu sheegay in dhinacooda ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo aan badneyn.
“Dagaalkii xalay waxaa uu ku beegnaa 29-ka Ramadaan oo ka mid ah Habeennada Leylatul Qadarka, wuxuuna qeyb ka ahaa dagaallo xiriir ah oo aan soo wadnay Bishii Ramadaanka oo dhan”ayuu yiri Shiikh Maxamed Dulyaddeyn oo sheegay in ay ka tacsiyeynayaan dhibaatadii dadka shacabka ah ka soo gaartay dagaalladaas.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa 15-kii dambe ee bisha Ramadaan waxaa ka dhacay dagaallo iyo duqeyn la socotay oo geystay dhimashada dad rayid ah oo ka badan 60 ruux iyo dhaawac iyana kor u dhaafaya 200 ruux, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic ay is-weydaarsanayeen dhinacyada ku dagaallama Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu daba socdaa dagaallo xiriir ah oo dhawaanahan dhexmarayay Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga wax iska caabinta ee ka soo horjeeda, waxayna dagaalladaas geysteen khasaare dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac isugu jira, kuwaasi oo soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia