Axad, September 28, 2008(HOL): Labo Markab oo ay kala leeyihiin Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxay ku wareegsan yihiin Markab saanad Mileteri wada oo ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah qafaasheen dabayaaqada todobaadkii hore.
Ciidamada saaran labadan Markab ayaa la sheegayaa in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Kooxaha Burcad Badeedka ah, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay ka hortagaan in ay Kooxaha Burcad Badeedka ah la degaan Hub fudud oo saaran Markabka ay qafaasheen.
Markabka u qafaalan Kooxaha Burcad Badeedka ah oo laga leeyahay Dalka Ukraine ayaa markii la af-duubanayay wuxuu Dowladda Kenya u waday Saanad Mileteri oo isugu jirta Taangiyo iyo Hub fudud.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Markabka Af-duubka lagu heysto ayaa waxay sheegayaan in Kooxaha Burcad Badeedka ah ay Markabka la soo aadeen dhinaca Xeebaha Gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xin-Dawaco oo u dhaxeeya Hobyo iyo Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.
Kooxaha Burcad Badeedka ah ee saaran Markabkan ayaa waxay dalbanayaan lacag madax-furasho ah oo ka badan 30 Milyan oo Doollar, iyagoo ku hanjabay in haddii lacagtaas la siin waayo ay la degi doonaan hubka Markabka saaran.
Markabkan hubka wada ee ay qafaasheen Kooxaha Burcadeedka ah ayaa wuxuu Soomaaliya ku soo jeediyay Indhaha Beesha Caalamka, iyadoo markii horeba qaati laga joogay af-duubka ay Kooxahaas u geysan jireen Maraakiibta ku socdaala Xeebaha Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo Soomaaliya Ciidamo u soo diray dabayaaqadii sanadkii 2006 ayaa isagoo ku sugan Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxaa uu walaac ka muujiyay khatar ka imaan karta af-duubka ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ku heystaan Markabka hubka wada, wuxuuna rajeeyay in Beesha Caalamka ay arrintaas jawaab ka bixin doonto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia