Axad, September 28, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku eedeeyay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho in ay xasuuq iyo isir-sifeyn gaar ah ku hayaan Beel gaar ah oo degan Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay caddeysteen in ay doonayaan in ay tir-tiraan dadka ka soo jeeda Beesha Hawiye ee ugu badan dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
“Wax kale ma ahan waxa beeshan looga soo horjeedo waxay rabtaa in ay isku xukunto oo ay ku dhaqanto kitaabka Alle, sidaas darteed Gaalada iyo cid kasta oo aan dooneyn in lagu dhaqmo kitaabka Alle waxay isku dayeysaa sidii ay u dhibaateyn lahayd”ayuu yiri C/’llaahi Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.
C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada Amisom ay ku garaacaan Xaafadaha ay Dadka Rayidka ah degan yihiin iyo Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay u adeegsadaan madaafiic culus oo ay mamnuuc tahay in lagu rido goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah.
“Beesha Caalamka waxaan u sheegeynaa in Ciidamada Amisom ay ka geysteen Magaalada Muqdisho xad-gudubyo ka dhan ah bani’aadannimada, waxaana ku baaqeynaa in lagula xisaabtamo tacadiyada ay geysteen”ayuu yiri C/llaahi Dheere.
Dad ka badan 60 ruux ayaa waxay ku geeriyoodeen duqeyn ay Ciidamada Amisom ka geysteen Magaalada Muqdisho muddo aan todobaad ka badneyn, halka ay duqeyntaas ku dhaawacmeen dad ka badan 200 oo ruux.
Laakin Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-huko oo eedeyntaas ka jawaabayay ayaa wuxuu sheegay in aysan madaafiic la beegsan goobo dad rayid ah deganaayeen balse sida uu hadalka u yiri ay Madaafiicda la beegsadeen goobo Madaafiic looga soo tuuray.
“Uma imaanin in aan dadka Shacabka ah madaafiic la beegsanno oo aan dhameyno ee waxaan u nimid in aan ammaankooda sugno oo aan samatabixinno”ayuu yiri Major Bridgye Bo-huko, Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia