Axad, September 28, 2008(HOL): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa waxay cambaareeyeen Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble oo u hadlay Xildhibaanadaas oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in ay si weyn u cambaareynayaan Ciidamada Amisom oo ay tilmaameen in ay madaafiic ku garaacaan goobo ay Dad Rayid ah degan yihiin.
“Ciidamada Amisom mar kasta oo hal madfac lagu tuuro waxay tobaneeyo madfac ku garaacaan goobaha ay Dadka Rayidka ah ku badan yihiin, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo ay ku dileen dadkii ugu badnaa”ayuu Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble oo carrabka ku dhuftay in ay caalamka ugu baaqayaan in ay wax ka qabtaan duqeynta ay Ciidamada Amisom ka geystaan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaannadan ayaa waxay sheegeen in ay si weyn uga xun yihiin in madaafiic lagu duqeeyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weliba iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka, waxayna xuseen in ay si weyn uga xun yihiin in ay Ciidamada Amisom ku garaacaan goobaha Dadka Rayidka ah ku badan yihiin Madaafiic aan dad shacab ah loogu talagelin.
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa iyaguna waxay cambaareyn dusha uga tuureen Ciidamada Amisom oo ay sheegeen in ay si naxariis la’aan ah madaafiic ugu duqeeyeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeyn jiray in ay madaafiic ku duqeeyaan xaafadaha Dadka Rayidka ah iyo xitaa Suuqa Bakaaraha ayaan iyagu haatan ka qeybqaadan duqeynta ay Ciidamada Amisom ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxayna haatan sheekada u muuqataa in Ciidamada Itoobiya ay gacmaha isa saarteen, duqeyntiina ay la wareegeen Ciidamda Amisom.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia