Jimco, September 26, 2008(HOL): Hooyo Soomaaliyeed iyo sadax caruur ah oo ey dhashay ayaa lagu dhax gowracay dukaan ey ku lahayeen tuulo ku dhaw Queenstown oo ka tirsan Gobolka Eastern Cape.
Cawil Cali Geel oo kamid ah dadka ganacasiga ku leh tuuladaas ayaa xafiiska HOL ee magalada Johannesburg u xaqiijiyay dilkaas naxdinta leh ee loo geeystay haweeneydaas iyo carruurta.
Hooyadaas ayaa lagu magacaabi jiray Saciido Aadan Maxamed, carruurteedana la kala yiraahdo Maxamad shariif oo ahaa 19 jir, walaalkiis Ibraahiim oo ay da'diisu ahayd 15jir iyo walaashood oo lagu maga caabi jiray Caasho da'deedana lagu sheegay 12jir.
Arintan ayaa argagax gilisay dhamaan Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika . Sheikh Maxamed Amiin oo ah Imaamka Masaajidka Albayaan ee Magaalada Johannesburg ayaa Qudbadii Jimcaha kadib kuwar giliyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka in ey kala soo baxaan Dumarka iyo Caruurta Maadama hadda loo soo dhigtay in dilo dumarka iyo carruurta.
Dilkaa ayaa ah kii ugu xumaa ee soo mara Soomaalida ku nool dalka South Africa maadaama aan horay loo arag caruur la gowracayo, balse dhibaatadu ay ku ekeyd dad dukaan lagu gubo ama qaar toogasho lagu dilo.
Said Herow, Hiiraan Online
Johanesburg, South Africa
E-mail: [email protected]