Jimco, September 26, 2008(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxya qabsadeen Markab Saanad Mileteri wada oo ku sii jeeday Dekedda Mombasa ee Dalka Kenya.
Markabkan oo laga leeyahay Dalka Ukraine ayaa wuxuu wadaa 30 Taangi oo nambarkoodu yahay T-72, wuxuuna ku socday dalka Kenya, kadibna waxaa lagu waday in Taangiyadaas loo soo gudbiyo Koofurta Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine oo arrinta af-duubka Markabkan ka hadashay ayaa waxay sheegtay in ay kaliya ogtahay in Xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay Markab dalkeeda laga leeyahay oo lagu magacabo Fiana.
Markabkan ayaa waxaa la socda Shaqaale tiradooda gaareyso 21 ruux, kuwaasi oo 17 ka mid ah ay u dhasheen dalka Ukraine, halka inta soo hartayna ay u kala dhasheen dalalka Russia iyo Latvia.
Kooxaha Muqaawamada ah ee dagaallada kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federalka iyo kuwa Anjnabiga ah ee gacanta siinaya ayaanan ilaa iyo haatan la ogeyn in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha Burcad Badeedka ah ee qabsaday Markabkan Saanadda Mileteri.
Kooxo aad u hubeysan ooBurcad Badeed ah ayaa waxay Xeebaha Soomaaliya ku heystaan ku dhawaad 30 Markab iyo 200 oo shaqaale ah, waxayna dalbanayaan in Maraakiibtaas iyo Shaqaalaha saaran laga siiyo lacag madax-furasho ah.
Kooxahan Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa ilaa iyo haatan waxaa tallaabo ka qaaday Ciidamada Badda Faransiiska, kuwaasi oo 12 ka mid ah Kooxahaas gacanta ku dhigay, halka ay mid ka mid ahna toogteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia