Jimco, September 26, 2008(HOL): Dadka ku dhaqaan Xaafadaha ku dhaw dhaw Jante-kuundisho oo wax ka yar 7-km u jirta Magaalada Beledweyne ayaa xalay Saq dhaxe ka war helay dhawaaqa Gaadiidka Dagaalka oo ay weheliyaan Ciidamado Itoobiyaan ah oo lugeynaya kuwaas oo mar kaliya ka ruqaasaday Saldhigii ay ku la haayeen Jante-kuundisho.
Ciidamadan oo Safarkoodu u jiheeyay wadada u kacda Goballada dhexe ayaan ilaa hadda la ogeyn sababta keentay in ay isaga tagaan fariisinkoodii Jante-kuundisho, xilli waliba Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan ay gacanta ku hayaan xoogagga Maxkamadaha Islaamiga.
Si dhab ah looma oga halka rasmiga ah ee Ciidamada Itoobiyaaku ku sii wajahan yihiin waxaase dhici karta in ay saldhigtaan deegaano kale oo ka tirsan Gobillada dhexe ama ay u gudbaan dhinaca Xadka.
Saakay aroor hore markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ciidamadii Itoobiyaanku isaga guureen Jante-kuudisho ayaa waxaa markiiba halkaas tagay Ciidamada Midowgga Maxkamadaha ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne.
Dadka rayidka ah oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ahaa kuwo Wadnaha Farta ku haya iyaga oo ka cabsi qabay dagaal ku dhaxmara gudaha Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ayaa si weyn ugu farxay warka ku saabsan guurista Ciidamada Itoobiya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la is-weydiin karaa Ciidamada Itoobiyaaku ma yihiin kuwo si dhab ah uga faaruqay guud ahaan Gobolka, '' Dabcan jawaabta ma'aha mid cad laakiin waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore Ciidamada Itoobiyaanku waqti kooban oo ay ka maqnaayeen kadib mar kale dib ugu soo laabteen fariisinkooda Jante-kuundisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo xalay isaga guuray fariisinkoodii Jante-kuundisho ee Duleedka Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Hooyo Soomaaliyeed iyo Sedax Caruur ah oo ey Dhashay oo lagu Gowracay Dalka Koonfurta Africa
- Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo Af-duubtay Markab Saanad Mileteri wada
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Duleedka Beledweyne oo gubay Gaari Shidaal u waday Ganacsato Reer Muqidsho ah
- Dowladda Canada oo kordhisay waqtiga uu Xeebaha Soomaaliya joogayo Markab Dagaal oo ilaaliya Maraakiib Gargaar Mucaawino ah geeya Soomaaliya
- Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley
- Masiibada dagaalka oo taabatay qoysaska qurba-joogta
- Nin Ganacsade ah oo xalay lagu dilay magaalada Baydhabo