Wada Hadalladii Jibouti uga socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo heer Xasaasi ah u gudbay

Cabirka Farta

Khamiis, September 18, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in wada hadalladii halkaas uga socday dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay heer xasaasi ah u gudbeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Wada hadallada labada dhinac u socda oo maalintii labaad ay leeyihiin Guddiyo Siyaasadda iyo Ammaanka qaabilsan oo ay Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay horay u magacawdeen.

Shirarka Guddiyadan u socda oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ugu xisaasisan midka u socda Guddiga Ammaanka, kaasi oo ajendayaasha uu ka doodayo ay yihiin kuwo aad  u culus oo aan la ogeyn sida ay labada dhinac isugu waafaqi doonaan.

Ajendayaasha uu ka doodayo  Guddiga Ammaanka ayaa waxaa ka mid ah in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Isbaheysiga la isku dhafo, isla markaana xero la wada dejiyo, in Ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxaan Xaafadaha magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, kadibna fursad loo siiyo in ay isu diyaariyaan sidii ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen.

Qodobka isku-dhafidda Ciidamada labada dhinac oo la sheegay in uu ka yimid dhinaca Xubnaha Guddiga Ammaanka eeDowladda Federaalka ayaa waxaa ka biyo diidan Xubnaha Guddiga Ammaaka ee Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ku dooday in aaney suurtagal ahayn in Ciidamo dagaallamayay ay xero wada galaan, taasi bedelkeedna loo baahan yahay in iyana xerooyin gaar ah loo sameeyo.

Dhinaca Guddiga Siyaasadda oo aaney Ajendayaashiisa u kululeyn sida kuwa Guddiga Ammaanka ayaa waxaa uu ka hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Maamullada Dalka, Dastuurka, Arrimaha Bulshada iyo Arrimaha Gargaarka, iyadoo aan la soo sheegin muran u dhaxeeya Xubnaha Guddiga Siyaasadda.

Guddiyada labada dhinac ayaa marka ay isla meel dhigaan Ajendayaasha ay ka doodayaan ayaa waxay maalinta berri ah si rasmi ah u wada saxiixi doonaan xabad-joojin rasmi ah iyo waqti go’an oo ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi doonaan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia