Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dad Rayid ah ku dilay Baydhabo

Cabirka Farta

Khamiis, September 18, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay dad ku dileen gudaha magaaladaas.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dadkani waxay dileen kadib markii gaari ay wateen ay isku dhaceen Gaari kuwa Dhagaxa qaada ah, iyadoo kadibna ay Ciidamada fureen rasaas xooggan oo sababtay in ay dhintaan 4 ruux, tiro kale oo aan la xaqiijinna ay dhaawacmaan. Waxaa jira warar sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka iyagana uu shilkaas ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen ayaa waxay isugu jireen kuwo la socday Gaariga Dhagaxlaha ahaa iyo kuwo ku sugnaa nawaaxiga halka uu shilka ka dhacay oo ahayd Xaafadda Cadaada ee Magaalada Baydhabo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Ciidamada Itoobiyaanka kaxeysteen Darawalkii kaxeynayay Gaarigii Dhagaxlaha ahaa, kaasi oo aan la ogeyn halkii ay la aadeen iyo sida ay ula dhaqmi doonaan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa si weyn uga xumaaday falka ay Ciidamada Itoobiyaanka ku dileen dadkaasi rayidka ah, iyadoo weliba ay dadka la yaaban yihiin waxa Ciidamada Itoobiyaanka ku kalifi kara in ay Rasaas uga jawaabaan Shil Gaari oo weliba aan si kas ah u dhicin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah dad rayid ah si bareer ah ugu dilaan Magaalada Baydhabo, waxayna ahayd mar sii horeysay markii Ciidamo Itoobiyaan ah ay Dad rayid ah oo 10 ruux ku dhow ay ku toogteen gudaha Magaalada Baydhabo xili ay Ciidamadaas howlgallo sameynayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia