Dowladda Federaalka oo ku hanjabtay in ay Warqadaha Ruqsadda Shaqo kala noqon doonto Shirkadaha Diyaaradaha haddii ay Diyaaradahooda ka soo degi waayaan Garoonka Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, September 18, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shirkadaha Diyaaradaha ee isticmaala Garoonka Diyaaradaha Muqdihso waxay ugu hanjabtay in ay kala noqon doonto Warqadaha Ruqsadda Shaqo haddii ay Diyaaradahooda ku soo degi waayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sarkaal u hadlay Waaxda Duulimaadyada iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in Shirkadahaas oo kala ah Jubba Airways iyo Daallo Airlines ay siiyeen muddo 24 saac ah, taasi oo ku eg maanta gelinka hore, wuxuuna xusay in haddii ay maanta duulimaadyadooda ay imaan waayaan ay kala noqonayaan Warqadaha Ruqsadda Shaqo.

Sarkaalkan u hadlay Waaxda Duulimaadyada iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha ayaa intaas ku sii daray in haddii ay baaqsadaan duulimaadyada Shirkadahaas ay u qaadanayaan in ay u hoggaansameen amarkii ka soo baxay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ku saabsanaa in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kalena, Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed)  oo ah afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isna xoojiyay Digniinta ka soo baxday Waaxada Duulimaadyada iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Diyaaradaha, wuxuuna sheegay in Garoonka uu furan yahay sidaas darteedna aysan jirin sabab ay Shirkadaha Garoonka isticmaala u baajin karaan duulimaadyadooda.

“Garoonka Shacabka ayaa iska leh ee ma lahan Dowladda Federaalka waayo Shacabka ayaa isticmaala intiisa badan, sidaas darteed waxaan shirkadaha u sheegeynaa in uu Garoonka furan yahay”ayuu yiri Xuseen Xuub-sireed.

Haddaba, Shirkadaha Diyaaradaha ee isticmaala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay dhexda u galeen labo digniinood oo mid ay uga imaaneyso Al-Shabaab oo u sheegaya in uu garoonka xiran yahay, isla markaana aysan ka soo degi karin iyo Digniin kale oo Dowladda uga imaaneyso, taasi oo ah in haddii aysan garoonka ka soo degin duulimaadyadooda lagala noqon doono Warqadaha Ruqsadda Shaqo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia