Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in aysan la ahayn in Baarlamaanka uu ka laaban doono go’aankii uu ku gaaray in aan dib loo soo celin Wasiirradii is-casilay

Cabirka Farta

Isniin, September 15, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo wax laga weydiiyay hadal uu shalay shaaciyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka dhan ahaa go’aan uu Baarlamaanka Soomaaliya gaaray ayaa wuxuu sheegay in uu qabo in go’aankii Baarlamaanka uu ahaa mid sax ah.

Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay in go’aan uu Baarlamaanka ku gaaray in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin karin Wasiirro horay isu casilay uu yahay mid aan Axdiga KMG ah waafaqsaneyn, wuxuuna caddeeyay in go’aanka baarlamaanka uu yahay mid qalalaase ka dhex abuuraya Dowaldda Federaalka Soomaaliya.

Laakin Shiikh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu  sheegay in aysan la ahayn in Baarlamaanka uu ka laaban doono go’aan uu ku gaaray, wuxuuna caddeeyay  in go’aanka Baarlamaanka uu ahaa mid sharciga waafaqsan, isla markaana ku saabsanaa in Wasiirro is-casilay oo sheegay in aaney waxba qaban karin aan Xukuumadda dib loogu soo celin karin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda iyo Golayaasha Dowladdaba uu ka sareeyo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, isagana lagu dhaqmi doono, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aanu qabin in Baarlamaanka uu gaaray go’aan sharci darro ah.

Shiikh Aadan Madoobe mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo in Madaxweynaha uu ku sheegay hadalkiisa in uu la tashaday Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, isla markaana uu sharci ku doodayo ayaa wuxuu sheegay in haddii ay Hay’adaha Dowladda is-qabtaan loo baahnaa  in ay Maxkamadda sare kala saarto, laakin nasiib darro  aysan jirin Maxkamad sare, wuxuuna farta ku fiiqay  in sheekada socota aysan Xeer Ilaaliyaha Guud meel-na uga bannaaneyn.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa go’aanka ka soo baxay Baarlamaankawaxaa uu ku tilmaamay:

In uu go’aankaas ka soo horjeedo Axdiga iyo Dastuurka Dalka
In uu ka soo horjeedo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka
In uu duminayo Xukuumadda Dalka u dhisan
In uu buriyay Heshiiskii ay madaxda Dowladda ku soo gaareen Addis Ababa
In uu yahay mid dhaawacaya maslaxada Dalka, isla markaana abuuraya qalalaase hor leh.
In uu ka hor imaanayo Xoriyadda iyo Xuquuqda Sharciga ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore wuxuu si aqlabiyad leh u ansixiyay in aan Xukuumadda Federaalka lagu soo celin karin 10 Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen oo horay isaga casilay xilalkii ay hayeen, waxaana go’aankaas gaaray 175 mudane oo ka mid ahaa 190 Mudane oo ka qeybgalay kulankii go’aankaas lagu gaaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia