Isniin, September 15, 2008(HOL): Qarax xooggan oo saaka lala beegsaday Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Ciidamadaas.
Qaraxa lala beegsaday Ciidamadan oo ka dhacay Xaafadda Afisyooni ayaa wuxuu geystay dhimashada 1 Askari iyo dhaawaca 2 ruux oo kale, waa sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Barigye Ba-Hoku.
Major Ba-hoku waxaa uu beeniyay warar sheegayay in Ciidamada Uganda ay soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka badan inta uu sheegay, wuxuuna caddeeyay in aaney jirin cid uga xog-ogaalsan arrimaha Ciidamada uu Afhayeenka u yahay.
Laakin Dad goob-joogayaal ah oo ka dhawaa halkii uu Ciidamadaas qaraxa ku qabsaday ayaa waxay sheegeen inay arkayeen Meydad iyo dhaawacyo ay daad-gureynayeen Ciidamo u soo gurmaday Ciidamadii qaraxa lala beegsaday.
Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Uganda ayaan ahayn midkii ugu horeeyay oo lala eegto, waxaana horay u jiray qaraxyo lala beegsado, kuwaasi oo qaarkood ay ku geeriyoodeen tiro Ciidamo ah.
Shalay ayay ahayd markii Askar ka tirsan Ciidamada Uganda dhimasho iyo dhaawac loogu geystay inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kadib markii ay Ciidamadaas dhismayaal dushood ka soo toogteen Kooxo hubeysan.
Haddaba iyadoo Ciidamada Uganda weerarradan lagu hayo ayay hadana Dowladda Uganda shaaca ka qaaday in ay kordhineyso Ciidamada ka jooga Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Major Paddy Ankunda ayaa u sheegay Jariidada New Vision in ay Ciidamo gaaraya 1600 oo Askari ay u diri doonaan Soomaaliya bisha Oktoobar ee soo socota, iyadoo Ciidamadaasna ay Magaca Midowga Afrika uga howlgeli doonaan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia