Isniin, September 15, 2008(HOL): Mas’uul u hadlay maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu beeniyay in rag u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP lagu af-duubtay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Shiikh C/raxmaan Xasan Xuseen oo ah Guddoomiye ku xigeenka maamulka ka taliya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu sheegay in raggaas u shaqeynayay WFP aan la af-duuban hayeeshee loo kaxeeyay sabab la xiriirta in su’aalo laga weydiiyo howlaha ay qabtaan.
Raggani u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP oo lagu kala magacaabo C/qaadir Xasan Maxamed iyo Cumar Macallin Maxamuud ayaa la sheegay inay socdaal indha-indheyn ah ku marayeen Deegaanka Qalimow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana halkaas ka kaxeystay kooxo hubeysan.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka Caalamka ay qoreen in Rag u shaqeynayay Hay’adda WFP lagu af-duubtay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ugu dambeyntiina, howl-wadeenno u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa deegaanno ka tirsan Koofurta Soomaaliya waxaa lagu geystay dilal iyo dhaawacyo, iyadoo tan iyo xiligaasna aysan Hay’adda WFP joojin gargaarka ay u fidiso dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia