Isniin, 20, 10, 008 (HOL) Guddoomiyaha Midowgga Maxkamadaha Gobalka Hiiran Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan waxaa uu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriira arrimaha Nabad-galyada, Bilicda Magaalada iyo waliba dacaayado laga fidiyo dadka sida uu hadalka u dhigay u adeegaya Diinita Islaamka.
Shiikh C/raxmaan ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay in maalmihii ugu danbeeyay soo baxeen dad dib ugu soo laabanaya goobaha ganacsiga horay looga guuray taasoo ayuu yiri dhibaato ku ah isticmaalka Wadooyinka iyo waliba xitaa kuwa ku Ganacsanaya, waxaana uu ka codsaday in dadkaasi isaga guuraan sida ugu dhaqsiyaha goobaha ay dib ugu soo labteen haddii kale Ciidamdu tallaabo ka qaadi doonaan.
Sidoo kale Shiikh C/raxmaan waxaa uu soo hadal qaaday dhibaato lagu hayo Culimada Diinita, gaar ahaan waxaa uu carrabka ku dhuftay is hortaag maalintii shalay lagu sameeyay Culimo ka tirsan Midogga Maxkamadaha oo doonayay in ay Muxaadaro ka jeediyaan mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada kuwaas oo dhagax tuur lagaga hor yimid.
Laakiin waxaa uu Shirkiisa Jaraa'id siweyn ugu weeraray goobaha Fadhi ku dirirka oo uu ku tilmaamay in bilihii ugu danbeeyay isku badaleen kuwa lagu dacaayadeeyo Diinita Islaamka iyo dadka u adeegaya ''Waan la socnnaa wararka lagu sheeg sheego goobaha Fadhi ku dirirka laakiin dadka caadeystay arintaas ha ogaadeen in laga warqabo, wixii hadda ka dambeeya si gaar ah ayaa loola socon doonaan arimaha Fadhi ku dirirka ciddii lagu helo dacaayadda dadka hirgalinaya Shareecada Islaamkana tallaabo ayaa laga qaadi doonaan” ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.
Waxaa uu Guddoomiyuhu shirkiisa Jaraa'id ku wargaliyay dhamaan NGO-yada Magaalada ka howl-gala in ay isa soo diiwaan galiyaan si buu yiri loola socdo howlaha ay qabanayaan, waxaana uu intaa sii raaciyay in aan loo ogolaan doonin NGO aan isa soo diiwaan-galin in uu shaqo ka qabto Gobalka.
Inkastoo Nabad-galyada Magaalada Beledweyne ay tahay mid aan gaarsiisaneyn heerkii dad badani filayay, haddana dhinaca kale waxaa muuqanaya dadaal ay wadaan Mas'uuliyiinta sare sare si gacan looga geysto wax ka qabshada arimaha Nabad-galyada iyo soo celinta bilicdii luntay ee Maagaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
SHIIKH C/RAXMAAN MACOW: “Ma ogolaan doonno in goobaha Fadhi-ku-dirirka lagu dacaayadeeyo dadka u adeegaya Diinta Islaamka”
Cabirka Farta
More News
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qiimo-dhismis ku sameeyay Lacagta lagu sameysto Baasaboorka cusub ee Soomaaliya
- Dagaal ka dhacay Muqdisho oo ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda kula wareegeen gacan-ku-heynta Saldhigga Galbeed
- Ururka Samafalka Aadami oo Deeq lacageed gaarsiiyay Isbitaallada Madiina, Dayniile iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho
- Xaaladda Degmada Balcad oo degan kadib dagaal ka dhacay
- Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda UNICEF oo lagu dilay Xudur
- Dad lagu dilay Tuulada Dhabad ee Gobolka Galgaduud
- Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka digay in Dadka la gaaleysiiyo, lana dilo iyagoo aan la xukumin
- Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo beenisay in isticmaalka Baasaboorka cagaaran laga mamnuucay kaliya Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho